Ethiopia: Hogaamiyaha Tigrayga oo baaq u diray Midowga Afrika

Published: November 9, 2020

Madaxweynaha maamulka Tigrayga ayaa sheegay in dhankooda diyaar u yihiin in Beesha Caalamka dhex dhexaadiso iyaga iyo Xukuumada Federaalka ee Abiy Ahmed.

Qoraalkan la sheegay in loo diray Midowga Afrika ayuu hogaamiyaha Tigrayga Debretsion Gebremichael ku sheegay in Abiy Ahmed uu doonayo inuu si sharci daro ah ku burburiyo maamulkooda.

Maamulka Tigrayga oo sheegay inay iska difaaci doonaan duulaanka uga imaanaya Addis Ababa ayaa dhinaca kale wada olola diblumaasiyadeed oo ay doonayaan in Beesha Caalamka ku cadaadiso Abiy Ahmed inuu joojiyo dagaalka ka dhanka ah Tigrayga.

Abiy Ahmed ayaa dhankiisa weli ku adkeysanaya in hawlgalkan uu wado uu  yahay mid lagu xoojinayo midnimada dalka Itoobiya isla markaana looga takhalusayo maamulka Tigrayga oo uu ku sheegay kuwo caqabad ku ah horumarka, dastuurka iyo sharuucda dalkaasi.

Dhinaca kale Abiy Ahmed oo isku shaandheyn ku sameeyey laamaha amniga iyo xakuumadiisa ayaa Wasiirka Arrimaha Dibada u magacaabay Demeke Mekonnen oo horey u ahaa Raysalwasaare kuxigeen, Wasiirkii hore ayaa laga dhigay Lataliye.

Taliyaha Ciidamada Itoobiya ayuu Abiy u magacaabay Taliye kuxigeenkii hore Gen. Birhanu Jula, sidoo kale Taliyaha Sirdoonka ayaa loo magacaabay Madaxweynihii hore ee maamulka Amxarada Temesgen Tiruneh.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *