1 April, 2021
Maleeshiyaad ka tirsan Jamhada Oromada Itoobiya ayaa lagu eedeeyey dilka dad rayid ah oo gaaraya 30…
Maleeshiyaad ka tirsan Jamhada Oromada Itoobiya ayaa lagu eedeeyey dilka dad rayid ah oo gaaraya 30 qof oo u dhashay qowmiyada Amxaarada, xili ay sii xoogeysanayaan dagaalada u dhaxeeya labadaasi qowmiyadood.
Weerarkan ayaa habeen hore ka dhacay deegaanka Galbeedka Wollega oo ka tirsan degmada Babo-GembelĀ ee Ismaamulka Oromada.
Weerarkan ayaa dhabar jab ku ah dadaalkii dowlada Federaalka Itoobiya ay dooneysay inay ku joojiso xiisadaha u dhaxeeya qawmiyadahaasi kuwada nool dalka Itoobiya, xili aan weli xal loo helin dagaalada ka socda ismaamulka Tigray.
Horseed Media