Ethiopia oo diyaar u ah dagaal ay la gasho Masar

Published: October 22, 2019
Abiy Axmed iyo ciidamada cirka Ethiopia

Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed Cali oo ka hadlaya muranka biyeed ee kala dhexeeya dalka Masar ayaa sheegay in dagaal lawada-galo uusan xal noqoneyn, loona baahan yahay in wax walba wadahadal lagu dhammeeyo.

Abiy ayaa sheegay in hadii taasi ay suurtoobi waydo uu dalkiisu hayo malaayiin dhalinyara ah oo “dagaal geli karta“.

Ra’iisal wasaaraha Ethiopia oo maanta [ Arbaco ] hortagay baarlamaanka dalkiisa ayaa arrimaha wax laga weydiiyay waxaa ka mi ah xiisadda Masar iyo Itoobiya ka dhex taagan, xorriyadda saxaafadda, dorashooyinka, nidaamka federaalka, arrima la xidhiidha siyaasadda iyo bulshada Itoobiya.

Dr Abiy Axmed oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey xaaladda ka dhex taagan Masar iyo Itoobiya ee la xiriirta muranka ka dhashay biya xireenka weyn ee ay Ethiopia ka dhiseyso wabiga Nile wuxuu ku jawaabay in ” shacabka Ethiopia aysan dooneyn in waxyeello ay u geystaan shacabka Masar, in ay wax taraan mooyee“.

“Dowladda Itoobiyana waa la mid. Annaga iyo Masar arrimo siyaasadeed oo aan ka wada hadleyno haba yaraatee ma jiraan. Madaxweyne Sisi dhawaan ayaan wada hadalnay maalmaha so socda barri ama saad dambe inaan kulanno ayaan rajeeynayaa inaan ka wadahadalno wixii ay dhibsadeen.”

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed Cali

“Arrinta kale ee sheegesyo in tallaabba aan qaadeyno, sida aad la socotaan shacabka Itoobiya, dal dibadba, waxaan si xushmad leh ugu sheegayaa in afatrii qofba uu mid sabool yahay, waana dhalinyaro, marka xataa haddii Afrika inaan la dagaallanno u baahanno malaayiin ayaan dagaal gelin karnaa.

” Dagaalku xal ma aha, dagaalka Masar-na ma anfacayo, Suudaan-na ma anfacayo, innagana nama anfacayo. Balse haddii ay arrintu tagto jiritaanka dalka iyo calanka, xataa aniga ayaa galayo dagaalka. Wax faa’iida ah lagama helayo, fikirka noocaasi ma aha mid wanaagsan, waxaa wanaagsan in la wada fariisto oo la wada hadlo.”

“Si kastaba ha ahaatee waxaan idiin sheegayaa ineysan jirin cid Itoobiya ka hor istaagi karto iney biya xireen dhisato,” ayuu yiri Ra’isul wasaare Abiy Axmed.

Ayuu yiri Abiy Axmed

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *