Ethiopia: Tigrayga oo ku eedeeyey ciidamada Federaalka xasuuqa Shacabka

Published: November 18, 2020

Taliska Militariga Federaalka Itoobiya ayaa Salaasadii shalay sheegay inay ku wajahan yihiin caasimada maamulka Tigrayga ee Maqale (Mekelle), dagaalka ayaa la sheegay inuu weli ka socdo deegaano badan ee galbeedka iyo bariga ismaamulka Tigrayga.

Ciidamada Federaalka ayaa sheegtay inay Tigrayga ka qabsadeen deegaanada Raya, Chercher, Gugufto iyo Mehoni, hadana ku wajahan yihiin caasimada Tigrayga ee Maqale.

Diyaaradaha dagaalka ee Itoobiya ayaa maalmihii lasoo dhaafay duqeyn xoogleh ku waday nawaaxiga magaalada Maqale.

Hase yeeshee dhinaca maamulka Tigrayga ayaa sheegay in forinta uu dagaalka kasocdo ay tahay nawaaxiga magaalada Alamata oo ay maalmo kahor sheegteen inay qabsadeen ciidamada Itoobiya.

Hogaamiyaha Tigrayga Debretsion Gebremichael ayaa ku eedeeyey ciidamada Federaalka inay weeraradooda la beegsanayaan dadka shacabka ah, waxaana lagu eedeeyey ciidamada ka amar qaata Abiy inay burburiyeen biyo-xireen iyo warshad soo saari jirtay Sonkorta oo gobalkaasi ku yaalay.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *