EU-da oo hogaamiyaha Hamas Sinwar ku daray liiska cunaqabataynta ee ‘argagixisada’

Published: January 16, 2024

Wadamada xubnaha ka ah Midowga Yurub ayaa Talaadadii ku daray hogaamiyaha siyaasadeed ee Xamaas Yahya Sinwar liiska cunaqabataynta ‘argagixisada’, taas oo ka dhigaysa in la xayiro lacagaha iyo hantidiisa maaliyadeed.

Talaabadan ayaa jawaab u ah weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee Xamaas ee lagu qaaday Israel 7-dii October.

Midowga Yurub ayaa dhinaca kale ka gaabsaday inay cambaareeyaan xasuuqa Israel ka wado Gaza, sadexdii bilood ee lasoo dhaafay.

Dalalka Midowga Yurub ayaa sidoo kale isku khilaafay dhexdooda inay ku baaqaan xabad joojin dagaalka Gaza, si gargaar loo gaarsiiyo shacabka reer Falastiin.

Horseed Media