EU-da oo sheegtay dhismaha Dowlada Falastiin inay lama huraan tahay

Published: January 23, 2024

Wasiirrada arrimaha dibadda ee Midowga Yurub ayaa Isniintii ku cadaadiyay Israa’iil in ay aqbasho dhismaha dowlada Falastiin kadib dagaalka Gaza, iyagoo kulammo kula yeeshay Brussels dublamaasiyiinta ugu sarreeya labada dhinac iyo waddamada Carabta.

Hadalkan ayaa lagu soo beegay maalmo kadib markii uu Raysalwasaaraha Israel Netanyahu uu sheegay inuu kasoo horjeedo dhismaha dowlad u gaar ah Falastiiniyiinta, xili Mareykanka iyo Midowga Yurub ay sheegayaan in xalka kaliya uu yahay in Falastiiniyiinta ay yeeshaan dowlad u gaar ah.

Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale cambaareysay hadalada kasoo yeeray Netanyahu ee uu ku diidan yahay dhismaha dowlada Falastiin.

27-ka wasiir ee Midowga Yurub ayaa markii ugu horreysay la kulmay wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil Israel Katz ka hor inta aysan si gaar ah ula fariisan diblomaasiga ugu sarreeya maamulka Falastiin, Riyad al-Maliki.

Wasiirrada arrimaha dibadda ee Masar, Urdun iyo Sucuudiga ayaa sidoo kale kulamo la yeelanayay wasiirrada Yurub.

Inkastoo uu xiligan daadanayo dhiiga aysana muuqan wax xal ah, saraakiisha Midowga Yurub waxay ku adkaysanayaan in hadda la joogo waqtigii laga hadli lahaa xalka kama danbeysta ah ee khilaafka Israel iyo Falastiin.

Horseed Media