EU: Midowga Yurub oo xeryo Qaxootiga ka dhisaya Liibiya – VIDEO

4 February, 2017

Hogaamiyayaasha dalalka Midowga Yurub ayaa isku raacay inay maalgeliyaan xeryo qaxooti oo laga dhiso gudaha wadanka…

Hogaamiyayaasha dalalka Midowga Yurub ayaa isku raacay inay maalgeliyaan xeryo qaxooti oo laga dhiso gudaha wadanka Liibiya, si hoos loogu dhigo tirada qaxootiga ka imaanaya qaarada Afrika.

Go`aankan ayaa laga soo saaray shirka Madaxda EU-da uga socda Malta, waxaana la sheegay in wadanka Talyaaniga uu noqday kan ugu horeeya ee lacagta ugu deeqay mashruucan.

Mashruucan ayaa la filayaa inay ka wada shaqeeyaan Midowga Yurub iyo hay`adaha qaxootiga qaabilsan ee UNHCR, waxaa sidoo kale qeyb ka ah in dhaqaale loogu deeqo wadamada ay ka yimaadaan dadka qaxootiga ah si looga hortago Tahriibta.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *