Faadumo Maxamed Xirsi waa gabar u baahan gargaar bini aadminimo oo deg deg ah [Sawiro]

Published: February 7, 2012

Faadumo Maxamed Xirsi Cali waa gabar dhalinyaro ah, taas oo ay da`deedu 22-snao jir tahay mudo sanad ku dhowna la xanuunsanayd jirro aad u daran oo jar jaray qaar kamid ah xubnihii ugu muhiimsanaa jirkeeda sida sanka, afka, iyo lugaha muuqaalka wejigeedana ka dhigtay mid aad looga argagaxo.

Faadumo waxay in mudo ah ku xanuunsanayd miyiga gobolka Sanaag, waxayna xiligan taalaa Isbitaalka guud ee degamda Boosaaso, dhakhaatiirtuna waxa ay sheegeen in aan xanuunkeeda dalka wax looga qaban karin.

Sidaas darteed dhamaan walaalaha Soomaaliyeed iyo ummada kale ee Muslimka ah waxaa laga codsanayaa inay u gargaaraan gabadhan oo u baahan gacan bini aadminimo oo deg deg ah xanuunkeeduna uu yahay mid in lagu cibro qaato mudan.

Hadii aad doonaysid inaad la xiriirtid ehelada gabadhan fadlan soo wac telefoonada hoos ku taxan oo dhamaantood ah khadka shirkadda Golis.

+252 90 703610
+252 90 768979

+252 90 735023

+252 90 765373
+252 90 659546

Wixii tabarucaad ahna ugu soo hagaashi Sahal Account:

408510 ama 405778


Horseed Media

Boosaaso