Faahfaahin: Sidee Dagaalkii Garoonka Bosaso Ku Dhacay? Khasaaradu waa imisa?

Published: July 11, 2022

Maanta oo Isniin ah waxaa magaalada Bosaso ka dhacay iska-hor-imaad u dhexeeyey ciidanka PMPF iyo ciidanka Kumaandooska Puntland ee PSF haddaba maxaa keenay iska-hor-imaadka, sababay dhimashada iyo dhaawaca?.

Taliyaha guud ee ciidanka PSF Gen. Maxamuud Cismaan Cabdullaahi ayaa wefdi u joogey oo marti u ahaa maanta ka dhoofin lahaa Garoonka Diyaaradaha ee Bosaso, haddaba Gen. Maxamuud waxa uu ciidankii la socdey ku reebay albaabka hore ee Garoonka waxaana isaga iyo martidiisi ay gudaha u galeen garoonka, nasiib darro waxay ku aadeen xaalad kacsan oo garoonka ka taagan iyada ciidamo badan la soo dhoobey oo loo keenay arrinta diyaaradda mucaawanada sidey.

Ciidanka PMPF waxay Agaasime Gen Maxamuud u diideen in uu garoonka galo, waxaana garoonka ka taagneyd muranka diyaarad la doonaayey in dib loo celiyo.

Diyaaradda la celiyey waa midda ay raaci lahaayeen wedfdiga PSF u joogey ee uu wadey Gen. Maxamuud.

Agaasime Gen. Maxamuud waxa uu dib uga soo noqdey garoonka, waxaana ciidanka PSF ay dhankooda diideen in garoonka la galo, laakiin waxaa weerar ku soo qaadey ciidanka PMPF, waxaana halkaas ka dhacay khasaaro weyn.

Ciidanka markii uu rasaas ku furay mid kamid ah ciidanka PMPF waaba isku dhex jireen,.

Daqiiqadii rasaasta uu bilaabey askeri PMPF ka tirsan

Ciidanka PSF waxay la wareegeen dhamaan afaafka hore ee garoonka, waxaana kala yaacey ciidankii soo weeraray, Ciidankii PMPF waxay ku urureen Terminaalka garoonka.

Dhimashada PSF ayaa lagu sheegay 5 askeri halka ciidanka PMPF ay ka dhinteen 7 askeri, waxaana jira dhaawac labada dhinac ah.

Ciidanka PSF ayaa hadda isaga baxay Garoonka diyaaradaha waxaana ay dib ugu noqdeen, fadhiisinkoodi.

Waxaa la is weydiinayaa, sababta masuulkan hoggaaiya mid kamid ah ciidanka PSF loogu diidey in uu garoonka galo oo dhoofiyo martida u joogtey?.

Xaaladda Diyaaradda Dib loo celiyey

Diyaarad sidey mucaawano oo ay la socotey Ku-simaha Madaxweynaha Soomaaliya ahna Guddoomiye ku xigeenka golaha shacabka Sacdiya Salaad Samatar ayaa lagu amray in aysan soo degi karin laakiin diyaaraddu si degdeg ah ku soo degtey kadib markii shidaalku ka go’i lahaa.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash ayaa amrey in la soo dhaweeyo Sacdiyo, gargaarkana la dejiyo waxaana amarkaas uu siiyey Guddoomiyaha Gobolka Bari Shaahdoon Cali Yare, laakiin ma fulin amarkaas.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa Imaaraadka ka soo bixiyey amarka Sacdiya la dul dhigay ee lagu celiyey, diyaaradda ayaa shidaal qaadatey waxaana ay dib ugu laabatey Muqdisho, Xil. SACDIYA ayaa diidey in ay soo degto maadaama nafteyda khatar la geliyey aniga iyo wefdigii diyaaradda saarnaa ayey tiri waxaana ay Saxaafadda kula hadli doontaa Muqdisho.

Ciidanka PMPF iyo Garoonka

Garoonka diyaaradaha ee Bosaso waxa uu ka diiwaan gashan yahay hay’adda ICAO ee duulimaadka rayidka ah laakiin Madaxweynaha Puntland ayaa ka wareejiyey Booliska Puntland waxaana uu ku wareejiyey ciidanka Badda ee Puntland, ee PMPF taas oo garoonka ka dhigtey xero ciidan.

Horsees Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Asc. Qoraalka waxaa ku jira khaladaad badan. Malaha qof degdegsan ayaa qoray. Fadlan halla saxo.