Faah faahin ku saabsan dagaal Haatan Ka socda Gaalkacyo.

Published: February 8, 2012

Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa dagaal maanta ka qarxay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug oo u dhaxeeyay laba meleeshiyo beeleed oo wada daga magaalada Gaalkacyo.

Dagaalkan oo bilawday saaka 10kii subaxnimo ayaa ilaa iyo hatan ka socda xaafada Horumar ee magaalada Gaalkacyo waxaana markii hore ay wararku sheegayeen in dagalku uu u dhaxeeyo ciidamada puntland ee halkaas jooga iyo meleeshiyo beeled hase ahaate waraku waxa ay haatan sheegayaan in dagaalkas uu si rasmi ah ugu dhaxeeyo laba beel ee wada daga gobolka Mudug.

Khasaaraha dagaalka ayaa ilaa iyo haatan aan si rasmi ah loo agaan karin iyadoona wali ay dhacayso rasaasta ay isweydaarsanayaan labada dhinac hase ahaate agaasimaha isbitalka guud ee gobolka Mudug Axmed Bali ayaa sheegay in ilaa iyo hada la soo garsiiyay 8 qof oo dhaawac ah isla markaana shan ka mid ay yihiin dad rayid ah , dhimashaduna waa 1 qof

Dagaalkan ayaa waxaa la isku adeegsday hubka noocyadiisa fudud iyadoona wali dhawaaqa rasaasta si weyn looga dareemayo guud ahan magaalada gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug

Maamulka gobolka Mudug ayaan ilaa iyo haatan ka hadlin dagaalka hase ahaatee Taliyaha Qaybta booliska gobolka Mudug G/Sare Jaamac Sandaqad oo u waramay idacada radio Gaalkacyo ayaa ugu baaqay in si dag dag ah loo joojiyo dagaalka waxaana uu ka dhawaajiyay taliyuhu in dagaalku uu u dhaxeeyo laba meleeshiyo beeled.

Qaar ka mid ah waxgaradka gobolka Mudug ayaa iyana ku baaqay joojinta dirirtan waxaana ka mid ah nabadoon Cali Diiriye aloore oo ka mid ah waxgarad ka gobolka ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo joojiyo dagaalka isagoo ugu baaqay in labada beelba ay miiska wada hadalka yimaadaan.

Wixii warar ah oo kasoo kordha dagaalka saaka ka qarxay Magalada Gaalkacyo ka filo Horseed Media saacadaha soo fool leh.

 

Horseed Media