Faah faahin ku saabsan dagaalkii maanta ka dhacay duleedka Buuhoodle

Published: February 8, 2012

Xaaladda deegaanadii uu saaka dagaalka xoogani ka dhacay ee duleedka Buuhoodle ayaa saaka degen.

Warar dheeraad ah oo soo baxay ayaa sheegaya in dagaalkaas ay ku gacan sareeyaan ciidamada deegaanka,waxaana wararku ay intaas ku darayaan in 3 Gaaro oo nooca dagaalka ah laga qabsaday ciidamada maamulka Somaliland.

Khasaaraha dagaalka ee labada dhinac kala gaarey ayaan ilaa iyo hada la ogeyn waxaana degmada Buuhoodle lasoo gaarsiiyey 6-askari oo ciidamada Somaliland maxaabiis ahaan looga soo qabsaday.

Xaaladda ayaa xiligan ah mid degen waxaase laga cabsi qabaa in dib mar kale dagaal u qarxo maadaama ay labada dhinacba abaabul ciidan oo xoog leh wadaan, guud ahaan jewiga guud ee Buuhoodle ayaana ah mid saan saan colaadeed oo xoogan laga dareemayo.

Waxayna labada dhinac ku kala sugan yihiin Sool-joogto oo qiyaastii 28km waqooyiga degmada Buuhoodle kaga beegan iyo Meygaagle oo waxyar u jirta, ciidamada Khaatumo saaka waxay gaareen Meygaagle haseyeeshee markii dagaalku qaboobey ayey Sool-joogto dib ugu soo noqdeen.

Madaxweynaha Puntland ayaa isna ka hadlay dagaalka saaka ka bilowday duleedka Buuhoodle xilli uu khudbad ka jeedinayey munaasabad lagu daah furayey Dastuurka Puntland, codka madaxweynaha iyo faah faahin dheeri ah oo ku saabsan dagaalkaas iyo khasaaraha ka dhashayba Horseed Media saacadaha soo fool leh ayey idiin soo gudbin doontaa.

Horseed Media