Faahfaahin: Ciidamada Dowlada Iyo Alshabaab Oo Saaka Ku Dagaalamay Dhuusamareeb

Published: July 4, 2021

Ciidamada xoogga dalka gaar ahaan qeybta 21-aad iyo Kooxda Alshabaab ayaa maanta ku dagaalamay meel u dhexeysa deegaanada Ceeldheere iyo Tuulo Xaayow oo hoostaga degmada Dhuusamareeb, waxaana dagaalkaasi ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sarkaal ka tirsan ciidamada dowlada ayaa sheegay inay ku dileen dagaalkan illaa 15 dagaalame isla markaana laga furtay illaa 10 qori oo ah hubka fudud. 

Guddoomiyaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug Cabdiraxmaan Cali Maxamed Geeda-qarow oo goobta dagaalku ka dhacay tagey ayaa ciidamada dowlada ku dhiirigeliyey inay sii wadaan dagaalka, isla markaana xiligan la joogo ay tahay markii ay ugu tabar iyo awood yareen Alshabaab.

Dhinaca kale kooxda Alshabaab ayaa sheegtay in ay dileen siddeed ka mid ah ciidamada dowlada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *