Faahfaahin: Ugu yaraan 20 qof oo lagu diley weerarkii Hotel Dayax ee Muqdisho

Published: January 25, 2017

 

Subaxnimadii hore ee maanta (Arbaca) ayaa koox ka tirsan al-Shabaab weerar ku qaadeen Hotel Dayax oo ku yaala waddada Maka al-Mukaramah gaar ahaan agagaarka isgoyska Sayidka.

Weerarka ayaa ku bilowdey gaari Bomb lagu soo xirey oo lagu dhuftey dhismaha Hoteelka kaas oo geystey khasaare burbur oo gaarey Hotelka.

Wasiirka Amniga Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar ayaa sheegay in afar nin oo kamid ah malayshiyada weerarka soo qaadey ay goobta ku yimaadeen gaari kadibna qaraxa markii uu dhacay isku dayeen in ay gudaha u galaan Hoteelka, waxaana iska caabiyey Ilaaladii Hotelka, waxaana ay galeen guri ku dhaw Hotelka halkaas oo lagu diley.

Gaari loo malaynaayo in uu ahaa nooca NOAH loo yaqaan ayaa banaanka hore ee Hotelka ku qarxay kaas oo geystey dhaawaca ugu badan ee dadka soo gaarey kadib markii ay goobta ku soo yaaceen, waxaana kamid ahaa dadka ku dhaawacmey 7 weriye oo qaarkood ahaayeen sawir qaadayaal u shaqeeya Wakaaladaha Wararka ee AFP iyo AP. Gaarigan ayaa la aaminsan yahay in uu yahay kii ay goobta ku yimaadeen kuwa la sheegaayo in ay isku dayeen in ay gudaha u galaan Hotelka.

Goobaha caafimaadka ayaa la gaarsiiyey dad ka badan 50 qof oo qaba dhaawacyo kala geddisan. Dhimashada ayaa ilaa hadda maraysa 20 qof oo 10 kamid ah yihiin rayid iyo 6 ciidanka ka tirsan halka kuwa kale yihiin kuwii weerarka soo qaadey, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen laamaha caafimaadka iyo sarkaal ka titsan Booliska oo lagu magacaabo Kabtan Maxamed Axmed

Hotel Dayax ayaa la sheegaa in ay ku degi jireen siyaasiyiin iyo Xildhibaano, ma jirto ilaa hadda siyaasiyiin la magacaabey oo weerarka lagu diley.

Ciidanka amaanka ayaa gudaha u galay waxaana ay soo afjareen hawlgalkii weerarka iyada oo la sheegayo in ay dileen laba nin oo kamid ahaa dableyda weerartey Hotelka.

Ururka al-Shabaab ayaa sheegtey masuuliyadda weerarka, waxaana ay sheegteen in ay dileen saraakiil badan.

Maalmihii u danbeeyey al-Shabaab ayaa kor u qaadey weerarada gaadmada ah ee ay ka fulinayeen Muqdisho iyo hareeraheeda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *