Faahfaahin weerarkii al-Shabaab ku qaadey Hotel SYL ee magaalada Muqdisho

Published: March 15, 2024

Habeenimadii xalay ayaa koox ka tirsan al-Shabaab weerar ku qaadeen mid kamid ah Hoteelada aadka ugu dhaw madaxtooyada Soomaaliya kaas oo lagu magacaabo SYL.

Weerarka lagu qaadey Hotelka SYL ayaa ku bilowdey qarax weyn oo lagu sheegay in uu ahaa Ismiidaamin lama sheegin in loo adeegsadey gaari iyo in uu ahaa qof isku soo xirey Bom.

Wax yar kadib qaraxa waxaa gudaha u galay Hoteelka SYL rag hubeysan oo aan tiradooda la sheegin.

Waxaa jirta khasaare aan weli si rasmi ah loo faahfaahin, wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in dhaawac ka soo gaarey masuuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Federaaalka waxaana kamid ahaa Ilaa laba Xildhibaan oo magacyadooda aan la sheegin weli, sidoo kale waxaa kakd ahaa dadka dhaawacu soo gaarey Agaasimaha Warfaafinta xafiiska raysalwasaaraha ahna afhayeenka xukuumadda Farxaan Maxamed Jimcaale, Xoghayaha guud ee mamaulka Gobolka Banaadir Faysal Caraale iyo taliyaha ciidanka booliska ee Haramcad, dhamaan masuuliyiintan ayaa dhaawacoodu yahay mid fudud.

Ururka argagsixisada ee al-Shabaab ayaa sheegtay weerarkan in ay ka danbeeyeen.

Saraakiil ka tirsan laamaha amaanka ayaa sheegaya in la toogtay dableydii gudaha hoteelka saacadaha badan ka dagaalameysay oo tiradooda lagu sheegay saddex, iyadoo xaalada ay haatan tahay mid aad u dagan.

Si kastaba, Waxaa is weydiin mudan sida Hotelka SYL oo dhinacyadiisa ay yaallaan Koontaroolo adag oo sida qof caadi ah oo aan ID wadan mari karin, sida qarax iyo rag hubeysan ku tageen, iyadoo ilaalada hubeysan xilliyada qaar laga reebi jiray baabuurt

Weerarkan u danbeeyey ayaa imaanaya iyada oo Muqdisho amaankeedu soo hagaagaayey oo laga nastey weerarada kooxda al-Shabaab gaar ahaan kuwa Hoteelada.

Horseed Media