Faahfaahino kasoo baxaya Qarax ismiidaamin ah oo caawa ka dhacay Muqdisho

Published: May 9, 2021

Qarax ismiidaamin ah ayaa caawa ka dhacay saldhigga Booliiska degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

Faahfaahino laga helayo qaraxa ayaa sheegaya in qof isku soo xiray walxaha qarxa uu isku qarxiyay gudaha saldhigga degmada Waaberi xiligaas oo uu ku sugnaa taliyaha Saldhigga Booliiska degmada Waaberi.

Taliyaha Saldhiga Axmed baashane Oo ku Magac dheeraa Caloolay iyo tiro askar iyo saraakiil ah ayaa ku geeriyooday qaraxa sida ay sheegayaan ilo wareedyo aan helayno.

Ruuxa ismiidaamiyay ayaa la sheegayaa in markii hore uu gaari ay ka buuxaan walxaha qarxa uu la galay gudaha saldhigga ,khasaaraha ka dhashay qaraxa ayaa lagu soo waramayaa in uu intaasi ka badan karo

Saldhigga uu qaraxa ismiidaaminta ka dhacay ee degmada Waaberi ayaa ku yaala agagaarka isgoyska dabka oo kamid isgoysyada ugu mashquulka badan ee ku yaala magaalada Muqdisho.

La soco wixii warar ee kasoo kordha qaraxa

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *