Waxaa maalmaha soo socda caasimadda dalka ka dhacaysa doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo ah markii labaad ee ay ka dhacdo Muqdisho tan iyo burburkii Dowladdii dhexe ee Soomaaliya, oo loo dhisey saddex Dowladood oo lagu soo kala dhisey dalalka Jabuuti iyo Kenya, sanadihii 2000, 2004 iyo 2009. Doorashada sanadkan ayaa si weyn uga duwan afar sano ka hor middii dhacdey marka la eego faro-gelinta quwadaha shisheeye ama dalalka derisku ay ku hayaan, sidoo kale waxay kaga duwan tahay waxaa markii u horeysey ka qayb-qaadanaya Baarlamaan lagu magacaabey Aqalka sare oo ka kooban 54 Mudane.
Waxaa jira wel-wel xooggan oo laga qabo natiijada doorashadu in ay noqoto mid ay keentay farogelin shisheeye.
Itoobiya oo aan wax taageero ah ku lahayn doorashadii Xasan Sheekh ku soo baxay sanadkii 2012 ayaa la aaminsan yahay in ay sanadkan dul saartey awood xooggan sidii mar kale dib loogu soo dooran lahaa. Xasan Sheekh ayaa itoobiya ku waregeliyey in aan saaxiib kale u harin oo aan ka ahayn iyaga.
Itoobiya oo kamid ah dalalka loo yaqaan safka hore ayaa ka duwan dalalka kale ee qudhoodu faro-gelinta ku haya kuwaas oo leh dano kala duwan.
Dalka Itoobiya oo kamid ah dalalka aan marna la gumaysan oo lahaa Boqortooyo soo jireen ah ayaa Soomaaliya duulaan ku soo qaadey 1964 iyada oo Soomaaliya xornimada haysata afar sano oo keliya, Soomaaliya waxay xiligaas ku jirtey doorashooyin waxaa dalka ka jirey abaaro si lamid ah hadda, waxaana Raysalwasaare dalka ka ahaa Cabdirashiid Sharmaarke (AUN) oo yiri hadalkii caanka baxay ee “gacana waan ku codeyneynaa gacanta kalena dalka ayaan ku difaaceynaa”. Gumeystihii reer Yurub ee qaybiyey dadka iyo dhulka Soomaliyeed ayaa ku wareejiyey dhulka loo yaqaan Ogaadeeniya Itoobiya.
Soomaaliya oo taagereysa jamhaddii WSLF ayaa dagaalkii taariikhda galey la gashey Itoobiya sanadkii 1977 kaas oo lagu baadi-goobayey dhulka iyo dadka Soomaaliya ka maqnaa. Xulafadii Waarso ayaa Soomaaliya jebisey waxaana dagaalkaasi sababey in uu biliwdo burburkii Soomaaliya. Itoobiya waxay hoy u noqotey Jamhaddii u horeysey ee dagaal la gasha Dowladdii Soomaaliyeed, sidoo kale waxay hoy u noqotey dhamaan Jamhadihii mucaaradka.
Itoobiya ayaa siyaasadeeda ku aadan Soomaaliya beddeshey kadib dagaaladii ay la gashey Ciidamadii Jihaadiyiinta ahaa ee taabacsanaa ururkii al-Itaxaad al-Islaami ee ka bilowdey halka loo yaqaan Qar-rajaqood sanadkii 1993. Ciidamada Itoobiya waxay markii u horeysey ka soo gudbeen xuduudka Soomaaliya sanadkii 1996 waxaana ay Itaxaad al-islaami kula dagaalameen gobolka Gedo iyaga oo ay la socaan Jamhaddii SNF ee Gen.Cumar Xaaji Masale, tan iyo markaas wixii ka danbeeyey waxay dhiseen oo hubeeyeen Hoggaamiyo kooxeedyo iska soo horjeeda, waxaana siyaasadeedu ku dhisneyd “Qaybi oo xukun”, iyaga oo markasta diidi jirey farogelinta ay ku hayaan Soomaaliyada taagta daran.
Sanadkii 2006 ayey si toos ah u soo galeen Soomaaliya iyaga oo taageero ka haysta Dowladdii Cabdullaahi Yusuf Axmed (AUN), waxaana ay qabsatey dhamaan Koonfurta Soomaaliya, si kastaba dagaalo aan joogsi lahayn iyo hawlgalo loogu magacdarey Muqaawamo Itoobiya waxay dib ga baxdey Soomaaliya sanadkii 2009, kadib markii ay bur-burisey maxkamadihii oo iyagu afka u dhigtey hoggaamiye kooxeedyadii Koonfurta, khilaaf adag ayaa ka dhex dhashey Dowladdii Soomaaliya taas oo sababtey in uu is casiley Cabdullaahi Yusuf markii Itoobiyaanku ay dhabarka u jeediyeen.
Itoobiya iyo taageerada Xasan Sheekh
Taageerada Itoobiya u hayso Xasan Sheekh Maxamuud in mar kale la doorto ayaa ah mid aan qarsooneyn. Waxaa Muqdisho soo gaaey maalmihi u danbeeyey Wasiiro ka socda Itoobiya oo si qarsoodi ah ku jooga, wararku waxay sheegayaan in todobaadkan Muqdisho ay yimaadeen koox ka tirsan Sirdoonka Itoobiya ee NISS kuwaas oo kulamo ka wada Saafaaradda Itoobiya. Waxaa dad badan is weydiinayaa sababta Itoobiya ku dooneyso Xasan Sheekh in Baarlamaanku doorto mar kale oo ay ol-olaha intaas le’eg ku bixinayaan?.
Dadka ka faalooda arrimahan ayaa sheegaya in ay jiraan sababo dhawr ah oo macquul noqon kara in danaha Itoobiya ee Soomaaliya afarta sano ee soosocda ay ugu jirto Xasan Sheekh oo xafiiska sii fadhiya.
Inkasta oo Soomaaliya taagdaran tahay, inkasta oo ay kala qaybsan tahay haddana ma jirto meel lagu dhameeyey murankii xuduuda ee u dhexeeyey Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana caalamku u aqoonsan yahay xuduudka Soomaaliya iyo Itoobiya mid lagu muransan yahay marka aad aragto qaabka loo jeexo.
Itoobiya waxay Xasan Sheekh ku dooneysaa:
– In uu ballan qaadey in uu ka tanaasulayo dhulka Soomaaliya sheegan jirtey, xuduudkana laga saarayo dhamaan caalamadaha muujinaya in lagu muran san yahay.
– In uu Qunsuliyad ka furaayo magaalada Jigjiga.
– In aanu dhiseyn ciidan Qaran ee Soomaaliyeed horeyna loo soo tijaabiyey.
– In uu burburin doono Heshiiskii Berbera Corridor ama kii shirkadda DW ay la gashey Somaliland
– In uu raysalwasaare ka dhigi doono qof ka tirsan sirdoonka Itoobiya.
– Itoobiya oo aaminsanin Xasan Sheekh la soo tijaabiyey oo uu yahay qof halkeeda Soomaaliya ku hayn kara.
HOOS KA DHEGAYSO SHIR SAXAAFADEEDKII UU KU QABTEY ITOOBIYA SAFARKIISI U HOREEYEY 28.11.2012, XASAN IYO Hailemariam Desalegn.
Qodobadan iyo kuwo badan ayaa si weyn loo hadal hayaa ee Itoobiya ku dooneeyso in mar kale lagu doorto Xasan Sheekh, waxaase taas run ama been ka dhgi kara Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee iyagu doorashada iska leh.
Si aad u fahamto xiriirka Xasan Sheekh iyo Itoobiya hoos ka daawo
Hussein Farah
Horseed Media