Faarax Cabdulqaadir siyaasi hagaagsan mise qaswade? -MAQAAL

Published: January 10, 2017

Wadan kasta dowladda ka dhisan waxaa ay leedahay hogaan wax ka maamula daaha gadaashiisa, hogaankaas wuxuu noqdaa ehelada madaxweynaha, Ganacsade dhaqaale ku bixiyey qaabkuu u noqon lahaa madaxweyne, Siyaasi caan ah oo dalka ku leh galaan gal siyaasadeed, Madaxweyne wadan daris ah oo qayb ka qaata fududaynta xilka madaxweyne, ama hogaamiye xisbi oo ka shaqeeyey sidii xisbigiisu talada u qaban lahaa.

Faarax Sheikh Cabdul qaadir ayaa nasiib u yeeshay inuu noqdo hogaamiyaha daaha gadaashiisa ka maamulay dalka afartii sano ee la soo dhaafay, wuxuu ahaa shakhsiga ugu awooda badan dalka, isagoo ahaa qofka ay ka go`aan talooyinka lagu maamulayo wadanka, wuxuu galaan gal u lahaa la tacaamulka siyaasada dibadda, waxaa soo mari jiray go`aana ka gaarista qandaraasyada yar yar iyo kuwa waaweyn, wuxuu hor istagi jiray ama aqbali jiray heshiisyada caalamiga ah ee dowladdu galayso, waxaa talo laga weydiin jiray heshiisyada ay galayaan maamulada goboladda, wuxuu noqoday nin qayladiisu sanad gudihiis dadka Soomaaliyeed ka dhawaajisay meel kasta ay joogaan, wuxuu caan ku noqday cartoomada Aamin Caamir soo saaro website-kiisa.

Haddaba qaabkee u curyaamiyey dowalada Soomaaliya?

Xukuumadii ugu horeysay ee uu Raysal Wasaaraha ka ahaa Saacid Shirdoon waxaa loo magacaabay Wasiirka Maaxtooyada, wuxuuna durbadiiba asaasay xafiis loogu wanqalay (Policy Unite) oo ay xubno ka ahaayeen khubaro xiriir dhow la leh xafiiska madaxweynaha, waxay usbuuciiba kulmi jireen laba jeer, waxayan ka awood badnaayeen gollaha wasiirada ee xilgaas jiray, waxaana hogaan u ahaa Faarax Sheikh Cabdulqadir, iyagoo xiriir toos ah la yeelan jiray beesha caalamka go`aana ka gaari jiray cida ka qayb galaysa shirarka loo aadayo dibadda.

Xafiiskaas wuxuu si xun u wiiqay awoodii xukuumadii Saacid, waxayna ka dhaariyeen Ra`iisul Wasaaraha inuu aado safar dibadda ah, marka laga reebo safar is barasho oo uu ku tagay dalalka dariska ah, Dubai, iyo Shir maqaar saar ahaa oo uu ku tagay Geneva, ugu danbayntiina Faarax isagoo isticmaalaya awoodiisa khaaska ah ayuu abaabulay mooshin xilka looga qaadayo Raysal Wasaare Saacid, isagoo ugu mar marsooday in xukuumadiisu fadhiid tahay. Kumana qaadan mudo bil ah inuu soo afjaro Saacid iyo xukuumadiisa.

Dowladii Raysal Wasaare Cabdiweli.

Waxaa durbadiiba la magaacabay Raysal Wasaarihii labaad ee dalku yeesho sanad gudihis, waxaana nasiib u yeeshay meertadaan Cabdiweli Sheikh Axmed oo aan ku imaan rabitaanka Faarax Cabdulqadir, taas oo sabab u ahayd is qab qabsi balaaran oo ka dhaxeeyey Damul Jadiid, kadib markii laysku diiday akhyaartii miiska la soo saaray, waxaa go`aan qaatay u gooni ah madaxweynaha oo la tashi la sameeyey rag odayaal ka ahaa xisbiga dhaxdiisa qaatayna taladooda ,
Raysal Wasaare Cabdiweli isagoo ka warqab waqcadii ku dhacday Saacid Shirdoon iyo talooyin badan oo ay siiyeen siyaasiyiin ka tirsana dowladda wuxuu ka takhalusay Xukuumadii Labaad ee Faarax Raysal Wasaaraha ka ahaa (Policy Unit) waxaana arinkaas ka dhashay durbadiiba khilaaf ku salaysan qaabka wax loo magacaabayo golaha xukuumadda, taas oo sababtay in lagu guulaysan waayo dhismaha xukuumadii labaad, is jiid jiid badan kadib waxaa la magacaabay golle wasiiro oo Faarax nasiib u yeelay inuu ka xusho Wasiirka Cadaalada iyo Dastuurka, balse durbaba waxaa soo if baxay khialaaf ku salaysan yareeynta iyo saamaynta Faarax ku lahaa Xukuumadda, waxaana si taxadar ku muuqdo xididada u siibay awooda Faarax Raysal Wasaare Cabdiwali Sheikh Axmed.

Iska dabawaregii iyo khilaafkii ka dhashay arinkaas ayaa sabab u noqday in isku shaandhayn lagu wiiqayo awooda Faarax lagu sameeyo Golaha Wasiirada, waxaana loo magaacabay Wasiirka Xanaanada Xoolaha dhirta iyo daaqa, durba waxaa cirka isku shareeray khilaafkii oo isu badalay abaabulka mooshinkii labaad ee lagu rido xukuumadii labaad mudo laba sano gudaheed ah, waxaana ku baxay riditaankeeda dhaqaalo aad u xoogan, waxayna qaadatay sadex bilood inu la soo afjaro Raysal Wasaare Cabdiweli.

Xukuumadii Cumar Cabdirashid

Bishii Decemer, 2014-kii waxaa loo caleema saaray xilka Raysal Wasaare Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke, oo aan ku imaan rabitaanka Faarax Cabdulqadir iyo kan Damul Jadiid, waxaana qayb libaax leh ka qaatay sidii u noqon lahaa Raysal Wasaare Amb, Cabdullahi Sanbalooshe iyo Sharif Xasan, oo saxiibo dhow la ahaa Cumar Cabdirashid qayb libaaxna ka qaatay riditaankii Xukuumadii Cabdiweli. Waxaa durba la guda galay magacaabista golaha wasiirada, iyadoo Faarax loo magacaabay Wasiirka Cadaaladda, waxaase isla markiiba bilowday guux wada qabsaday xildhibaanada baarlamanka oo ay ku calamadeeyen in aysan aqbalayn golle xukuumadeed oo uu xubin ka yahay Faarax Cabdull qaadir, waxaana la qaatay go`aan in laga saaro isaga iyo rag kale.

Gabagbadii, hadii Faarax Cabdulqadir oo curyaamiyey hor u socodka howlaha dowladnimo ee dalka afartii sano ee la soo dhaafay, si xun u isticmaalay awoodii iyo galaan galkii uu ku lahaa Madaxweynaha, maalin cadna xildhibaanadii Baarlamankii hore ay yiraahdeen xukuumad uu ku jiro ansixin mayno, sidee suurtagal u tahay maanta inuu isu soo sharaxo gudoomiye ku xigeenka kowaad ee baarlamanka, hadiiba ay dhacdo inuu ku guulaysto taa macanaheedu soo maahan in afar sano oo kale dalka dib u dhac ku yimaado.

Waxaa diyaariyey: Maxamud Gacal

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *