Farmaajo oo Cambaareeyay Qaraxyadii lagu weeraray Hotel Dayax

Published: January 25, 2017

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka mid murashixiinti u tartamaya doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa cambaareeyay weerarkii dadka badani ku dhinteen ee maanta lagu qaaday hotel Dayax ee Magaaladda Muqdiso.

Farmaajo ayaa tacsi u diray eheladii dadkii ku geeriyooday qaraxa, wuxuuna sheegay inuu la qaybsanayo tiiraanyada iyo dhibaatada dadka Soomaaliyeed

Waxaan tiiraanyada la qeybsanayaa shacabka Soomaaliyeed oo idil, gaar ahaan ehelada iyo qoysaska dadkii saaka ku geeriyooday iyo kuwii ku dhaawacmay qaraxyadii bahalnimada ahaa ee ay kooxda argagixisada ah ee Al Shabaab ku weerartay Dayax Hotel” ayuu Farmaajo

Wuxuu ku tilmaamay nasiib darro in dad Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan lagu laayo qaraxyo, wuxuuna sheegay in la joogaa waqtigii laamaha amniga iyo shacabku ay iska kaashan lahaayeen sidii kooxdan loo dabargoyn lahaa

“Marka ay timaado dhacdo sidan oo kale u xanuun badan waxaa loo baahanyahay inaan meel iska dhigno kala duwanaashaha dhanka ra`yiga ah oo aan meel uga soo wada jeesanno sidii amni xumada looga gudbi lahaa. Taasi waxay ku imaan kartaa in uu iskaashi buuxo dhex maro shacabka iyo laamaha amniga” ayuu yiri murashax Maxamed cabdullahi Farmaajo

“Waxaan Alle Subxaanahu Watacaalaa ka baryayaa in uu Jannatul Firdaws ku abaal mariyo dadka qiimaha badan ee naga baxay, caafimaad degdeg ahna uu siiyo kuwa dhaawacyada qabo”

Gabagabadii, Dad ka badan 20 qof ayaa ku dhintay labo baabuur oo qaraxyo laga soo buuxiyay oo lagu weeraray Hotel ee Dayax ee Magaaladda Muqdisho, waxaana ku dhaawacmay tiro ka badan 50 qof oo la dhigay cusbitaalka Magaaladda Muqdisho, waxaana Masuuliyada Qaraxaas sheegatay Kooxda Al-shabaab.

Horseed Media 2017

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *