Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa qoraal uu ku baahiyey bartiisa X sheegay…
Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa qoraal uu ku baahiyey bartiisa X sheegay in khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo Jubaland u yahay imtixaankii ugu adkaa ee uu wajahayo Raysalwasaare Xamse Cabdi Barre, taas oo taaban karta mustaqbalkiisa.
Raysalwasaare Xamse yaa ahaa xildhibaan laga soo doortey Jubaland ka hor inta aan raysalwasaaraha loo magacaabin.
Fahad ayaa yiri:
“…Khilaafka siyaasadeed ee dhex taalla Jubaland iyo Dowlada Federaalka waa imtixaankii ugu halista badnaa ee taabanaya mustaqbalka Raysul Wasaare Mudane Xamse Cabdi Bare….
Agaasimihii hore ee ay’adda NISA kana mid ahaa xubnaha ugu awoodda badnaa dowalddii madaxweyne Farmaajo ayaa soo jeediyey waxa la gudboon Rayslawasaare Xamse waxaana uu ku soo koobey saddex waddo mideed inuu qaado.
- In uu Axmed Madoobe soo qanciyo, kuna soo celiyo madasha, sidaasna uu ku damiyo xiisada taagan.
- In Raysal Wasaare Xamse uu muujiyo awooddiisa, siyaasad ahaan iyo degaan ahaan labadaba, uuna caddeeyo in Jubaland aysan ahayn xarun siyaasadeed oo Axmed Madoobe kaligiis u furan.
- In uu ku dhawaaqo inuusan haysanin awood dowladeed oo uu wax ku maquuniyo ama galaangal qaraabannimo oo uu kursiga kusii haysto, duruuftana ay ku kaliftay inuu noqdo nabadoon deeqsi ah, sidaasna uu ku sadaqeeyo kursigiisa.
Xildhibaanadii Jubaland ka yimid waxaa looga yeeray Kismaayo, waxaana lagu wadaa in ay soosaaraan war ay ku taageerayaan mowqifka Axmed Madoobe.
HORSEED MEDIA