Faizabad oo noqotay magaaladii 9aad oo ugacan gasha Talibanka

Published: August 11, 2021

Xoogaga Talibanka wadanka Afghanistan ayaa la wareegay magaaladii 9aad oo ah caasimad gobaleed, waxayna si buuxda u qabsadeen caasimada gobalka Badakhshan oo saaran xaduuda wadankaasi la wadaago dalka Tajikistan.

Tan iyo jimcihii lasoo dhaafay ayey maleeshiyaadka Talibanka la wareegeen 8 magaalo madax ee gobalada dagaalada ka socdaan, iyadoo laga cabsi qabo in ugu danbeynta ay usoo gudbaan caasimada wadankaasi ee Kabul.

Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Mazar-i-Sharif ee waqooyiga dalkaasi, magaaladaasi oo ay hada go’adoon geliyeen Talibanka, waxaana saacadihii lasoo dhaafay halkaasi gaarayey diyaarado sida gurmad ciidamo iyo sahay militari.

Madaxweyne Ghani ayaa magaaladaasi u tagay sidii u dhiiri gelin lahaa ciidamada halkaasi ka dagaalamaya walow la saadaalinayo in Talibanka ay qarka u saaran yihiin inay la wareegaan magaaldaasi muhiimka ah.

Beesha Caalamka ayaa ugu baaqday Talibanka inay joojiyaan duulaanka ay wadaan, waxayna sidoo kale sheegeen in aan la aqoonsan doonin maamul uu Talibanka dalkaasi ka sameeyo, wadada kaliya ee lagu xalin karo dagaalka Afghanistaan ay tahay wadahadal ay la galaan dowlada caalamka aqoonsan yahay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *