Falalka dilalka oo ku soo badanaya Muqdisho

Published: January 24, 2021
by: Horseed Staff

Muddooyinkan waxaa isa soo tarayey waarerada lagu bartilmaameedsanayo mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo weliba bulshada kale ee rayidka ah, maagalada Muqdisho ayaa kor u kacay.

Maanta oo axad ah ayaa labo qof lagu dilay agagaarka Carwo-idle ee bartamaha Muqdisho, waxaana dilka geystey dhalinyaro ku hubeysnaa baastoolado.

Waxaa falalkaan amni daro ay imaanayaan xili dadlku isu diyaarinayo dooraasha oo amniga uu ka mid yahay waxayaabaha muhiimka u ah hirgalka hannaanka doorashadaas.

Shalay oo ugu dambeysay Illaa 6 qof ayaa siyaabo kala duwan loogu dilay magaalada Muqdisho.

BAARITAANO KA SOCDA MAGAALADA

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa saacadihii ugu danbeeyay siweyn u adkeeyay amaanka magaalada Muqdisho oo maalmihii ugu danbeeyay lagu dilay mas’uuliyiin iyo saraakiil ciidan kaddib qaraxyo iyo weerarro lagu bartilmaameedsaday.

Howlaglkan oo u muuqda mid qorsheysan ayeey ciidamadu ku baarayaan gaadiidka dadweynaha iyo  gaarka loo leeyahay, iyaga oo sidoo kalana su’aalo weydiiyay dadka ay ka shakiyaan.

Ma jirto cid sheegatey dilalkan isadaba jooga ah ee dadka qaarkiis lala beegsanaayo, waxaana jira eedeymo la isu jeedinaayo in dilalkaani ay yihiin kuwo siyaasadeed, halka dood kale ay sheegayso in kuwa fulinayaa ay yihiin ururada xagjirka ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *