Fallaagada Mali oo sheegay in ay dagaal ku dileen calooshood u shaqeystayaal Ruush ah

28 July, 2024

Fallaagada Tuwareg ee waqooyiga Mali ayaa sheegay in ay dileen tobanaan askari iyo calooshood u shaqeystayaasha…

Fallaagada Tuwareg ee waqooyiga Mali ayaa sheegay in ay dileen tobanaan askari iyo calooshood u shaqeystayaasha shirkada Ruushka ee Wagner, laba maalmood oo dagaal ka socday meel u dhow xudduudda Aljeeriya.

Dhaqdhaqaaqa fallaagada (CSP-PSD), ayaa bayaan ay soo saartay Sabtidii ku sheegtay inay ku qabsadeen gaadiid gaashaaman, kuwa xamuulka qaada iyo booyado, dagaalka ka dhacay magaalada xuduudka ku taal ee Tinzaouaten maalmihii Khamiista iyo Jimcihii.

Kooxda fallaagada ayaa sidoo kale sheegtay in ay waxyeello gaarsiiyeen diyaarad Helicopter ah, taasoo ku burburtay magaalada Kidal oo boqolaal kiloomitir u jirta goobta uu dagaalka ka dhacay.

Qaar kamid ah baraha internetka ee ka hadla mileteriga Ruushka ayaa sheegay Axadii in ugu yaraan 20 ka tirsan kooxda Wagner lagu dilay weerar gaadmo ah oo ka dhacay meel u dhow xudduudda Aljeeriya.

CSP ayaa bayaan kale ku sheegtay Axadii in ay la dagaalameen oo ay jabiyeen guuto ka tirsan ciidamada Mali oo taageero ka helayey kooxda Ruushka ee Wagner. Waxa ay sheegtay in cadawga “la baabi’iyey” oo askartii iyo calooshood u shaqeystayaashii ka badbaaday dagaalka la qabtay maxaabiis ahaan.

Horseed Media