Fanaaniin, Ciyaartooy iyo Jilayaal caan ah oo ka qeyb qaadanaya ololaha gargaarka Abaarta Somaliya – VIDEO

Published: March 17, 2017

Qaar kamid ah Jilayaasha, Ciyaartoyda iyo dadka caanka ka ah dalalka reer Galbeedka iyo guud ahaan Caalamka ayaa bilaabay olole ay doonayaan inay kaga qeyb qaataan gargaarka loo dirayo dadka ay saameysay Abaarta ka jirta Soomaaliya.

Dadkan ayaa bilaabay olole ay si gaar ah bartilmaameed uga dhigteen shirkada Turkish Airlines oo ah tan kaliya ee caalamiga ah ee tagta Soomaaliya, waxayna ka codsadeen in shirkadaasi ay siiso diyaarad u qaada gargaarka iyo cuntada ay doonayaan inay geeyaan dalka Soomaaliya.

Ololahaan oo saacado gudahood ku baahay baraha internetka iyo goobaha bulshada ku sheekaysato ayey shirkada Turkish Airlines si degdegleh uga soo jawaabtay iyadoo sheegtay in codsigaasi ay ku faraxsan tahay inay aqbalaan oo ay ka qeyb qaataan.

Qaramada Midoobay ayaa baaq ay soo saarta todobaadkii tagay ku sheegtay in malaayiin Soomaali ah ay macaluul heyso ay geeri qarka u saaran yihiin hadii aan mucaawino lala gaarin dadka ay saameysay abaarta ka jirta Soomaaliya.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *