Fanaankii weynaa Axmed Naaji Sacad oo London ku geeriyoodey

Published: September 4, 2023
Shares50

Rabbi ha u naxariistee waxaa cawa oo isniin ah ku geeriyoodey magaalada London ee dalka Ingriiska fanaankii weynaa Axmed Naaji Sacad.

Axmed Jaani Sacad ayaa muddooyinkii danbe xanuunsanaa, waxaana saxaafadda u xaqiijiyey dhimashadiisa, ehelkiisa.

Ustaad Axmed Naaji Sacad waxa uu ku dhashey magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafadii bilaajo Carab (Shibbis) qiyaastii 1939 ilaa 1940. Waxbarashadiisa ilaa dugsiga sare waxa u uga baxay magaalada Muqdisho. Sida uu sheegay waxbarashadiisa dugsiga sare kadib uu u wareegay xaafaddii Iskuraran oo waxaa ku xoogganaa Leedagada.

Ustaad Axmed Naaji ayaa ka mid noqdey Leegada, waxaana uu ahaa fanaaniintii dadka u soo ururin jirey oo ka heesi jirey waxaana uu qaadi jirey heesha xornimo doonka iyo waddaniyadda xambaarsaneyd.

Si rasmya waxa uu fanka ugu biirey sanadkii 1954, waxaana ka mid ahaa fanaanta uu ku dayin jirey Qaasim Hiwle iyo Maxamed Jaamac Joof.

Rabbi ha u naxariistee Ustaad Axmed Naaji waxa uu baac dheer ku lahaa fanka Soomaalida.

Bahda Horseed Media waxay tacsi u direysaa qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay iyo bulshada Soomaaliyeed oo dhan.

Horseed Media