Fannaanaddii Soomaaliyeed Aamina Cabdillahi Xirsi oo ku geeriyootay Boorame

Published: March 18, 2023
Shares2

Allaha u naxariistee, waxaa maanta magaalada Boorame ee xarunta gobolka Awdal ku geeriyootay Fannaanaddii Aamina Cabdillaahi Xirsi.

Aamina Cabdillaahi ayaa ka mid aheyd hablihii Soomaaliyeed ee fanka ku biiray bartamihii 1960-yadii, iyadoo ahayd heesaa iyo majaajilayste labadaba.

Sidoo kale Aamina Cabdullaahi ayaa ka mid ahayd fanaaniinta aad loo jeclaa, iyada oo aad loo xiiseen jiray jilidda majaajilada iyadoo ka qayb qaadatay jilitaanka riwaayado badakooda ay sameyeen Xasan Ganay iyo Cabdi Aadan Xaad Cabdi-Qays.

Aamino Cabdullaahi Xirsi ayaa  ku dhalatay deegaanka Kala-baydh ee u dhexeeya magaalooyinka  Boorama iyo Wajaale. Waxay kusoo barbaartay fankana kasoo gashay dalka Jabuuti, horraanta sannadkii 1966-kii.

Horseed Media