Faransiiska ayaa kula taliyay muwaadiniintiisa inay ka fogaadaan inay u safraan Iran

1 day ago

Faransiiska ayaa ugu baaqay muwaadiniintiisa inaysan tagin Iran ilaa saddexda muwaadin ee Faransiiska ah ee halkaas ku xiran si buuxda loo siidaayo.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Faransiiska Jean-Noel Barrot ayaa yiri – maanta oo Talaado ah – intii lagu guda jiray shir jaraa’id, “Xaaladda muwaadiniinteena la haystayaasha ee Iran waa wax aan la aqbali karin.

Barrow ayaa sheegay in Paris aysan illoobin muwaadiniinteeda xiran hal daqiiqo, mas’uuliyiinta Iranna ay tahay inay sii daayaan, isagoo carabka ku adkeeyay in xiriirka Faransiiska iyo Iran iyo mustaqbalka cunaqabateynta Iran ay ku xiran tahay arrintan.

Tan iyo 2022, Iran waxa ay xirtay haweenay Faransiis ah Cécile Kohler iyo saaxiibkeed Jacques Barry oo lagu eedeeyay basaasnimo, taas oo ay ehelada labada maxbuus ay beeniyeen, waxa ay sidoo kale xirtay nin saddexaad oo Faransiis ah tan iyo 2022, oo lagu magacaabo Olivier, laakiin magaciisa oo buuxa lama shaacin. .

Bishii Luulyo ee sannadkii hore, madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku dhawaaqay in Iran ay sii deysay nin Faransiis ah Louis Arnault, oo halkaas ku xirnaa tan iyo Sebtembar 2022.

Goor sii horeysay, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Talyaaniga ayaa Iran ku eedeysay inay Saxafiyad Cecilia Sala (29 jir ah) ku xirtay Tehran 19-kii December.

Horseed Media