Faransiiska oo fasaxay Gaadiidka Xamuulka Sida ee ku xaniban UK

Published: December 23, 2020

Dowlada France ayaa ogolaatay codsiga dowlada UK in la fasaxo gaadiidka xamuulka ah ee ku xaniban dalkaasi kadib markii dalalka Midowga Yurub ay xayiraad kusoo rogeen socdaalka wadanka Ingiriiska si looga hortago cudurka Covid19 noociisa cusub oo dalkaasi sii xawli ah ugu faafaya.

Dekadaha iyo Goobaha ay ka baxaan doomaha isku xira wadanka UK iyo France ayaa waxaa weli ku xaniban kumanaan gaadiidka xamuulka qaada.

Faransiiska ayaa sheegay in Maanta oo Arbaca ah fasaxi doonaan gaadiidka xamuulka sida hadii darawalada ay maraan baaritaanka cudurka Covid19 oo xaqiijiyaan inay caafimaad qabaan.

Xayiraada la saaray wadanka UK ayaa sidoo kale laga cabsi qabaa inay saameyn ku yeelato kaydka cuntada iyo adeegsayada kale ee wadankaasi oo si weyn ugu xiran suuq-weynaha Midowga Yurub.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *