Farmaajo: ” Guud ahaan xaaladda Soomaaliya, Waxaa Ku Jirta Faragelin Shisheeye” – VIDEO

Published: February 6, 2021

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta hortagey golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa uga warbixiyey shirkii wadatashiga heer federaal iyo heer dowlad doboleed ee ka qabsoomay magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweynaha ayaa xildhibaannada golaha Shacabka la wadaagay tanaasulka ay dowladdu ku bixineysay hirgelinta doorashooyinka dalka, isaga oo dul istaagay sida uu u fashilmay shirkii Dhuusamareeb iyo fulinta heshiiskii 17-ka Sabteembar ee ay gaareen dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayna ansixiyeen labada Aqal ee Baarlamaanka.

“Waxaan tanaasulka ka soo bilownay sharcigii doorashada ee ay Golahani meelmariyeen, ilaa shirka aan hadda ka soo laabannay ee Samareeb. Waxaana gaarsiiyey heer ay gacantooda ku soo qortaan heshiiskii 17-ka sebteembar 2020, anigoo u arkayey in ay muhiim tahay midnimadeenna iyo wadajirkeenna si loo gaaro heshiis siyaasaddeed oo ka turjumaya hiigsiga shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay caqabadaha siyaasadeed ee soo wajahay heshiiskii doorashada, kuwaas oo uu sheegay inay ka yimaadeen Puntland iyo Jubbaland.

“Labo qodob oo kaliya ayaan u soo bandhigay markii aan ku guda jirnay Wadahadalladii Heshiiskii 17-kii Sebteembar, kuwaas oo kala ahaa in laga dhimo Haweenka Soomaaliyeed ee doonayo in ay ka mid noqdaan Labada Gole ee Baarlamaanka lacagta isdiiwaan gelinta iyo in ay doorashada maamulaan Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka, kuwaas oo aan u aragnay in ay dhexdhexaad ahaayeen maadaama magacaabistoodu ay naga horreysay, labadaas qodobba waa la iga diiday, waana tanaasul kale oo aan u sameynay qabsooomidda doorashada.

MADAXWEYNE FARMAAJO

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa sheegay inuu jiro faragelin shisheeye oo lagu hayo dalka inkastoo uusan magacaabin gobol iyo deegaan gaar ah, isagoo sii raaciyey inuu diyaar u yahay fulinta heshiiskii 17-kii Bishii September 2020 laga gaaray doorashada dalka ka dhaceysa, wuxuuna Xildhibaanada Golaha Shacabka dalbaday inay arrintaas kala shaqeeyaan.

“Guud ahaan xaaladda Soomaaliya iyo arrimaha doorashooyinka xaqiiqatan waxaa ku jirta faragelin shisheeye, Aniga ma oranayo gobol hebel ayay ku badan tahay fargelinta. Laakiin xaqiiqatan faragelintaas ayay wax noogu hagaag la’ yihiin,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *