Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee muddo xileedkiisa dhammaaday ayaa Maanta tallaado ah kulan gaar ah Xarunta…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee muddo xileedkiisa dhammaaday ayaa Maanta tallaado ah kulan gaar ah Xarunta Madaxtooyada kula qaatay Gudddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka.
Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada ayaa waxaa lagu sheegay in kulanka Farmaajo iyo Guddoonka Golaha Shacabka looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo marxalada kala guurka ah.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Guddoomiye Maxamed Mursal, Muudey iyo Mahad Cawad ayaa sigaar ah kulankooda diirada ugu saaray sidii dalka Soomaaliya uga dhici laheyd doorasho heshiis lagu yahay, xili uu khilaaf xoogan uu ka taagan yahay.
Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aadaya, iyadoo mudoo xileedka Farmaajo idlaaday, sidoo kalena berri kulan ay yeelan doonaan Xildhibaanada Golaha Shacabka, isla markaaan waxaa hortegi doona Ra’iisul Wasaare Rooble oo jeedin doona Warbixin ku aadan 100-kii maalmood ee Xukuumaddiisa.
Horseed Media