Farmaajo iyo Sheekh Shariif oo eedeyn culus u jeediyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Published: February 13, 2024
Shares8

Madaxweynayaashi hore ee Jamhuuriyadda Mudane Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo war-saxaafadeed wadajir ah soo saarey ayaa sheegay in ay xiriir la sameeyeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga ah Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Dowladda Soomaaliyeed ee Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni lagu heshiiyey in khilaafka la xaliyo isla markaana la isugu yimaado gogol, laakiin uu hadda baal maray Madaxweyne Xasan Sheekh wixii lagu heshiiyey.

“…..Kaddib wada hadallo dhinaca telefoonka ah oo aanu si gooni gooni ah ula yeelannay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Maamulka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, ayaanu ku guuleysannay in labada dhinac naga aqbalaan in wada hadal lagu dhammeeyo khilaafka siyaasiga ah ee jira, la isuguna yimaado gogol. Si arrintan bilowga ah fursad loo siiyo waxaan isla meel dhignay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu hakad galiyo galka la xiriira wax-ka baddalka dastuurka muddo laba asbuuc ah. Hase yeeshee, waxaa muuqata kaalintii odaynimo aanu isu xilqaannay in ay mira dhali wayday kaddib markii aanu dhanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wax jawaab celin ah ka waynay, uuna mar kale ku dhaqaaqay jabinta qodobkii shardiga u ahaa in wada hadalladu ay bilowdaan….”

Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo labadaba xilka uu kala wareegay Madaxweyne Xasan Sheekh lama goor oo aan isku xigin ayaa walaac ka muujiyey khatarta dalku wajahaayo waxayna yiraahdeen

“…Dalkeennu wuxuu haatan taagan yahay isgooys adag oo ay khatar ku jirto midnimadeenna dhuleed iyo madaxbannaanideena, waddada kaliya ee looga gudbi karana uu yahay in lagu wajaho wadatashi, isqancin iyo isu tanaasul. Waxaa noo muuqanaya in Madaxweynaha uu oo ka leexday wixii lagu ballamay, taasoo keeni karto inuu dalka galo xalad kala qeybsanaan iyo khilaaf horleh….”

Ugu danbeyn waxay u mahad celiyeen Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Deni sida uu u ajiibey isla marlaana u diyaaryey gogosha wadahadalka, waxaana ay masuuliyadda dhibaato kasta oo ka dhalata arrimaha taagan disha uga tuureen Madaxweyne Xasan Sheekh

“….Waxaan si wadajir ah ugu mahadcelinaynaa Madaxweynaha Maamulka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni soo dhaweynta iyo ajiibista gogosha dhexdhexaadinta, waxaana cid walba oo daneysa arrimaha siyaasadda Soomaaliya u caddeynaynaa in wixii kala fogaansho iyo kala tag ah uu masuuliyaddeeda qaadayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud…”

Horseed Media