Farmaajo oo dhameystiray burburintii uu kuwaday Shirka Dhuusamareeb-3 !

Published: August 15, 2020

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta oo ah 15ka Agoosto 2020, khudbad aan horey loo qorsheyn kasoo jeediyey Golaha Shacabka ee Federaalka oo iyaguna wakhtigooda siidhamaanayo, xili lagu balansanaa maanta inuu furmo shirkii Dhuusamareeb 3 oo ay ku balansanaayeen Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka iyo Hogaanka Dowlada Federaalka.

Khudbadan ayuu kusoo beegay Madaxweyne Farmaajo xili dhegta loo taagayey inuu magacaabo Raysalwasaare cusub oo soo dhisa Xukuumad inta ka hartay wakhtigooda, kadib markii uu wax ka riday Raysalwasaarihiisii hore Xasan Cali Khayre saacado kadib markii uu kasoo noqday Shirkii Dhuusamareeb-2.

Madaxweynuhu waxa uu Dhuusamareeb tegayaa isaga oo dalku lahayn Raysalwasaare, maadaama shaqada caynkan oo kale ay tahay in raysalwasaaruhu hoggaamiyo, ayaa la dhihi karaa Farmaajo isaga oo labo xil oo awood qaybsi ahaa ayuu tegeyaa Dhuusamareeb.

Hadaba nuxurka khudbada Madaxweynaha Federaalka maahayn wax cusub oo uu sheegay, balse waxay khudbadan meelo badan uga ekayd khudbadii uu bishii Luulyo soo jeediyey Raysalwasaare Kuxigeenka ahna hada kusimaha aan sharciga ahayn ee xilka Raysalwasaaraha Mahdi Guuleed oo ku booriyey Golaha Shacabka inay xilka siihayaan inta dalka ay ka dhaceyso Doorasho Qof iyo Cod ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa khudbadiisa ku bilaabay guulihii uu sheegay in laga gaaray dhinaca sharuucdii badneyd oo ay Xukuumada iyo Baarlamaanka ansixiyeen, walow uusan ka hadal sababta keentay in sharuucdii Doorashada dib loogu dhigay illaa xiliga kala guurka si halhaleel ah lagu ansixiyey, iyadoo wakhtiga Madaxweynaha iyo Baarlamaanka uu dhamaad yahay.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku xadgudbey jiritaanka Aqalkii sare ee kaalintiisu tahay metalaada Dowlad goboleedyada, waxaana uu saddex jeer ku soo celiyey in Golaha Shacabku wakiil ka yahay Dowlad goboleedyada.

Muhiimada ugu weyn ee khudbada ayaa ahayd in uu weli ku taagan yahay Madaxweynaha in dalka laga qabto Doorasho qof iyo Cod ah, taasi oo micnaheedu yahay in wakhtiga loo kordhiyo Baarlamaanka iyo Madaxweynaha oo mudda xileedkooda ku egyahay Diseember 2020 iyo Febraayo 2021.

Farmaajo ayaa ku cel celiyey in Golaha Shacabka uu  metalo Shacabka, balse golaha shacab masoo dooran ee Beelo ayaa soo doortay wakhtigoodana waa xadidan yahay ama waa dhamaad, masiirka dalkan kasoo kabanaya dagaalada sokeeye kama go’o xildhibaan wakhtigiisa dhamaaday oo aan kalsooni ka heysan Beeshii isaga ama iyada soo dooratay.

Khudbada Madaxweynaha ayaan marnaba lagu soo qaadin Arrinta ugu weyn ee xiisada Dastuuriga ah keenaysa oo ah in isaga iyo Golaha uu u khudbeenayo wakhtigoodii dhamaaday, muddo kororsina horey loo diiday.

Talooyin Hore!

Sidaan horey ugu sheegnay maqaalkii aan daabacnay 22kii Luulyo Madaxweynaha Farmaajo ayaa magaalada Dhuusamareeb horey ulla tegey isaga oo uu garabka u saaran yahay Burris (Hammer), waxaana ugu weyneyd Istaraatiijiyaddiisa in aan shirka Dhuusamareeb-2 aysan ka soo bixin natiijo la taaban karo, shirku uu noqdo mid wakhtiga lagu dilo, ugu danbeyna loo ballamo shir kale (Dhuusamareeb 3).

Waxaa sidoo kale Maqaalkaasi ku sheegnay in Raysalwasaare Khayre uu noqon doono (Next Scapegoat) ama marmarsiinayaha loo maro xil kororsiga, haduusan qaadan go’aan deg deg ah, nasiib xumo Khayre kuma baraarugin waxaana xilka si fool xun looga xayuubiyey isagoo weli ku sugan Madashii shirka Dhuusamareeb, 25kii Luulyo.

Hadda waxaa lasoo gaaray xiligii go’aan qaadashada Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka iyo Saamileyda kale ee siyaasada dalka, waxaana maanta u furan hal wado oo kaliya oo ah inay Qabsadaan Shir BADBAADO QARAN oo ay uga heshiiyaan sidii loo dhisi lahaa DOWLAD KUMEEL GAAR AH marka wakhtiga ka dhamaado Golayaasha hada jira, dowladaasi oo kaliya loo xil saaro inay qabato Doorasho la isku waafaqo.

Waxaa hubaal ah in Golayaasha hada jira ay dhumiyeen kalsoonida shacabka maadaama aysan ku guuleysan wixii loo igmaday 4tii sano ee lasoo dhaafay, waxaana usii dheer damaca ay muujinayaan oo ah inay xilka kororsadaan;

-Sida Kuraas la xawisho oo lagala cararo deegaanadii laga soo doortay.

– Raysalwasaare iyo xukuumadiisa lagu rido 7 daqiiqo iyadoo aan ajenadahaba ku jirin.

– iyo in Miciyaha loo listo in kuraasta ay ku fadhiyaan oo loo asteeyey beelahooda soo doortay ay xoog ku heystaan illaa inta dalka ka dhaceyso (Doorasho Qof iyo Cod ah) waa nidaamka laga soo guuriyey Xildhibaanada Somaliland ee in ka badan 14 sano kuraasta laga fujin la’a yahay.   

Nidaamka Federaalka

Nidaamka federaalka ah ayaa loo sameeyey waxa maanta socdo oo kale in aysan dhicin, waxa loo sameeyey in lagu ilaaliyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi oo kale, in aan hal shakhsi ku tagrifalin awoodda dalka, dastuurkana ku xadgudbin, si looga hortago damac kasta oo keli-talisnimo ku dhisan kana baxsan sharciga.

Waxaa la is weydiinayaa Madaxda Dowlad goboleedyada inay qaadan doonaan go’aanka masiiriga ah ee horyaal oo ay shacabka ay metalaan uga fadhiyaan oo ah in dalka ay Doorasho ka dhacdo wakhtigii loogu talo-galay.

AMA

In ay maraan wadadii lagu diray Raysalwasaare Khayre oo ay oggolaadaan damaca waalan ee muddo kororsiga, labada sanno ah, kana tanaasulaan nidaamka federaalka ah dalkuna noqdo mid Villa Soomaliya oo keliya looga taliyo!

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

7 Comments

  1. Bismilaah Barlamaanka federaalka waa run wuu matalaa somalia waxa kaliya uu ku matalaa waa wada ogol.
    Baarlamaanada dowladaha xubnaha ka ah dowlada federaalka waxey heeystaan matalaad shacab.

  2. Adeere qoraalkaadi horana waan akhriyo kana maanta ayaan arkay labaduba waxaad ku sheegtay Run Xaqiiqa ah Allaah ha idinbarakeeyo sida aad ummada Rinta jotta ugusoogudbineysaan

  3. Hal qof iyo cod in wadanka la gaadhsiiyo waxaa howshaa gabay khayre markii uu

    1- mudo 3 sano ah aanu miisanayada kharajka doorashada hal qof iyo hal cod ku soo darin.

    2- markii cagta hoosteda u geliyey gudidii doorashada madaxa banaan ineey howshooda qabsadaan.

    3- markii u garab maray sharcigii hore golaha shacabku ansixiyey, maamul goboleedaduna ogaladeen ee ahaa in dalka la gaadhsiiyo hal qof iyo hal cod sanadka 2020/2021.

    4- markii u isku deyey inuu afduubo masiirka iyo ayaha umada somaliyeed.

    Shaqsiyan waxaan aminsanahay in dalka ay ka dhacdo doorosho xalaal ah oo wixii hore ka duwan waayo doorashoyinkii hore waxeey ku saleysnayeen musuqmasuq iyo kursi gadasho, waanan ognahay in alshabaab xildhibaano tageraa u fadhiyaan golaha shacabka iyo golayaasha maamul goboleedyada iyagoo kuursata soo gatay.

    Wadanku wuxuu leeyahay gudi doorasho oo madaxbanaan waa in iyaga loo dhafaa in howshooda hal qof iyo hal cod ay wadanka inta nabdoon ay gaarsiyaan, dawlada federalka ahna waxaa looga baahan yahay in tirikoob iyo aqoonsi dadka loo sameeyo iyo ineey sugaan amaanka goobaha lagu qabanaayo sida dhusamareeb, kismaayo, garowe, baydhabo,hargeysa, borama, laascanood, laasqoray, qardho, bosaaso, burco, gaalkacayo iyo meelo kale oo hada amaan ah.

    Somaliya waxaa la degey dad daneystayaal ah oo shaad qabiil huwan dantooduna tahay ineey lacag urursadaan iyagoo masiirka iyo ayaha umada iyo jiilka cusub ee soo koraya aan dan ka laheyn kuwaasna habka qura oo daqaada iyo saxada siyasadeed looga saari karaa waa iyadoo shicibka awooda lugu celiyo taas oo ah in la helo codka hal qof iyo hal cod.

  4. Haday dawladu doorasho qabanwaydo marka wakhtigeedu dhamaado halaga tashado baan qabaa anigu. Federal ka waxaa loo sameeyey dadka madaxtinimadu madaxmartay in la yiraahdo ka joog adiga maahee. Dhamaan dadka soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan waxaan kula dardaarmayaa markay haaladu meeshaan oo kale soo gaadho meel uga soo wada jeesta si kuwa danbe ugu quustaan.

  5. Waxaaba ila quman inaan xili xukuumadeedka soo socda ee dhow aan laba samayn gole barlamaan madaama aan barlamaanka dadku soo dooran oo ay ahaayeen kuwo kuraastooda lacag kalabaxay kuna axdi furay dowlad gonoleedkii laga soo magacaabay. Inta laga gaaraayo doorasho qof iyo cod ah waa in dowlad goboleedyada galaan booskii barlamaanka sida 4 sano ee soo socda.

  6. Aqalka Sare ama Senators hadda fadhiya ma waafaqsana Dastuurka, WaayoWaxay Ahayd In Lagu Soo Xulo 18×3=54, balse waxaa Dastuurkii beddeshay oo HSM iyo Iyo PM iyo Laba Maamul Goboleed Madaxdooda Markaas Joogay Oo Takri Falay Kuna Saleeyay Matalaadda Maamul Beeleedyada Markaas Jiray….Waxaase Dhab Ah In Maamul Beeledyada Jira Ay Iska Maamushaan Dhawr Jilib Mid Walba Oo Aysan Matalin 1% Dadka Ku Dhaqan Maamul Beelkeed Walba….Farmaajo Iyo Kooxdiisu Ayagoo Ka Duulaya Taas, Ogna in Soomaalida Hadda Khaati Ka Taagan Tahay Dastuurka Macmalka Ah Ee Males iyo Mahiga Ee “Federalynta Beelaha Soomaaliyeed” Ayay Laad Ku Dhufteen Waxaas Macmalka Ahaa Ayagoo Og In Kacdoon Ka Dhan Ah Jilbyada Ku Habsaday Maamul Beeleedyadaas Dadku Ka Dhiidhiyo Doonaan, Ayagoo Doonaya In Soomaali Yeelato Dawlad Calan Iyo Xuduud Sugan Leh….Kacdoonka Dhallinyarada Soomaaliyeed Iyo Guuxa Ka Soo Horjeedka Federalynta Beelaha Soomaaliyeed ee Males Iyo Mahiga Ayaa Ah Ah Arrin Jirta Hadda Oo Cid Walba Ogsoon Tahay Gaar Ahaa Social Mediaha Markaad Aragto Soomaalida Ka Faalloonaysa