Farmaajo oo gaaray Afisyooni & Dadaalo lagu badbaadinayo shirka!

Published: March 22, 2021

Madaxweynaha wakhtigiisa dhamaaday Madaxmed Cabdullahi Farmaajo oo ay galbinayaan ciidamada AMISOM ayaa gaaray xarunta Afisyooni oo la qorsheenayo inuu ka furmo shirka Madaxda xukuumada muddo xileedkeeda dhamaaday iyo Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale goobta shirka gaaray hogaamiyayaasha Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabelle iyo Raysalwasaare Rooble.

Waxaa weli goobta imaan Madaxda Puntland iyo Jubaland oo la sheegay inay weli dhaliilsan yihiin qodobada shirka looga hadlayo iyo qaabka shirka u furmayo.

Xubno ka socda Beesha Caalamka ayaa illaa iyo xalay waday dadaalo ay ku xalinayaan dooda Puntland iyo Jubbaland.

Qodobada ugu adag ee shirka horyaal ayaa ah kaalinta uu yeelanayo Madaxweynaha Wakhtigiisa dhamaaday oo weli adeegsanaya ciidamada Qaranka iyo qaabka loo maareenayo amniga doorashada iyadoo aan weli wax laga qaban weeraradii ka dhacay Muqdisho 19kii Feberaayo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *