Farmaajo Oo Gaaray Uganda

Published: May 11, 2021

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Kambaala ee caasimada dalka Ugandha.

Farmaajo ayaa kamid madaxda lagu marti qaaday Munaasabadda Caleema-saarka Madaxweynaha dib loo doortay ee Dalka Uganda Mudane Yoweri Museveni.

Madaxweynaha muddo xileedkiisu uu dhamaaday ee Farmaajo ayaa la filayaa inta uu ku sugan yahay Uganda uu kulan doceedyo la qaato hoggaanka dalkaas iyo Madaxda kale ee dhiggiisa ah ee ka soo qayb gelaya munaasabaddan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *