Farmaajo Oo Ka Degay Koonfurta Suudaan

Published: October 3, 2020

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Jubba ee caasimadda dalka Suudaanta Koonfureed, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyey.

Madaxweynaha ayaa halkaas kaga qaybgali doona heshiiska nabadeed ee u dhaxeeya dowladda Suudaan iyo kooxaha hubeysan ee galbeedka iyo Koonfurta dalka Suudaan, wuxuuna kamid yahay madaxweynayaasha markhaatiga noqonaya heshiiskan.

Dowladda Suudaanta Koonfureed ayaa casuumaad rasmi ah oo ku saabsan munaasabaddan waxa ay u soo dirtay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, si loo xuso doorka dibloomaasiyadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ku lahayd wada-xaajoodyadan nabadeed.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *