Madaxweynaha dowladda federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wada hadallo kula yeeshay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub Mudane Charles MICHEL.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2020/02/85226546_2760728277344966_2117916100996890624_n.jpg)
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub Mudane Charles MICHEL ayaa iska wareystay horumarka ay Dowladda Soomaaliya ka sameysay dib u habeynta hay’adaha amniga, horumarinta dhaqaalaha, xaaladihii ugu dambeeyay ee Geeska Afrika iyo taageerada Midowga Yurub ee dowlad-dhisidda Soomaaliya.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub uga mahadceliyay taageerada ay siiyaan dowladda Soomaaliya taas oo muhiim u ah dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya.
Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub Mudane Charles MICHEL ayaa dowladda Soomaaliya ku ammaanay horumarka ay ka sameysay horumarinta dhaqaalaha iyo dib u habeynta hay’addaha dowliga ah.
HORSEEDMEDIA