Farmaajo oo kulan la yeeshay Culimaa’udiinka ku dhaqan Muqdisho-SAWIRO

Published: May 5, 2021

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay Madaxtooyada Villa Soomaaliya kulan afuro ah kula qaatay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Farmaajo oo maalmihii dambe waday kulamo kala duwan ayaa culimada ku bogaadiyey doorka wanaagsan ee ay ka qaataan wacyi gelinta iyo toosinta bulshada, dib u heshiisiinta iyo deminta colaadaha.

Farmaajo ayaa culimada ka codsaday in ay sii xoojiyaan dadaalladooda ku aaddan horumarinta iyo kobcinta wacyiga bulshada, ayna hormuud u noqdaa xasilinta dalka iyo nabadeynta dalka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *