Farmaajo Oo Markhaati Ka Noqday Heshiiska Nabadeed Ee Suudaan – VIDEO

Published: October 3, 2020

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo oo ka qaybgalay munaasabadda dhaqan-gelinta heshiiska nabadeed ee u dhaxeeya dowladda Suudaan iyo Kooxaha hubeysan ee galbeedka iyo koonfurta dalkaas ayaa khudbad uu ka jeediyey kusoo bandhigay garab-istaagga shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan xaqiijinta nabadda, xasilloonida iyo midnimada dalka Suudaan.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay khibrad weyn u leeyihiin dhibaatada laga dhaxlo colaadaha sokeeye, waxa uuna ka warbixiyey murugada iyo dib u dhicii xanuunka badnaa ee dalkeenna ka soo gaaray dagaalkii sokeeye oo maanta shacabka Soomaaliyeed ay gacmaha is-heystaan sidii ay uga gudbi lahaayeen saameyntiisa.

“Waxaa nasiib iyo sharaf weyn ii ah in aan goobjoog ka ahaado saxiixa heshiiskan nabadeed ee maanta dhacay. Waxaan u hambalyeynayaa dowladda iyo shacabka Suudaan iyo dhammaan dhinacyada garwadeenada ka ah in heshiisku dhoco. Waa guul taariikhi ah oo u soo hoyatay dadka reer Suudaan iyo guud ahaan kuwa gobolka, madaxweynaha ayaan kula dardaarmay dhinacyada heshiiskan in si rasmi ah loo fuliyo heshiiska nabadeed ee Jubba…”

Madaxweyne Farmaajo

Hoos ka daaawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *