Farmaajo Oo Saxiixay Sharciga Baatroolka Dalka-Video

Published: February 8, 2020

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay Sharciga Baatroolka dalka, kaddib markii labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyaddu ay soo dhammeystireen hannaankii sharci ee kaga aaddanaa dhaqan galkiisa.

Madaxweynaha ayaa tilmaamayu leeyahay sharcigan oo hagaya xuquuqda muwaadiniinteenna ay u leeyihiin in looga faa’iideeyo khayraadka ceegaaga dhulkeenna, isaga oo xeyndaab u noqonaya, kana ilaalinaya takri-falka, damaca shisheeye iyo musuqmaasuqa.

Sidoo kale, meel-marinta Sharciga Baatroolka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay maalgashadeyaasha caalamiga ah u muujinaysa sida ay uga go’antahay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ka miro-dhalinta hiigsigooda ku aaddan xasilloonida dalka iyo in ay wadajir ugu tallaabaan Guga barwaaqo-sooranka iyo horumarka .

Madaxweyne Farmaajo ayaa Guddoonka labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, Golaha Xukuumadda, Xildhibaannada iyo dhammaan khubaradii Soomaaliyeed ee qaybta ka qaatay uga mahadceliyey dadaalka ay galiyeen sharcigan dhaxal reebka ah.

Sharciga Baatroolka ee uu meelmariyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku saleysan sharciyaddii Batroolka iyo macdanta dalka, dastuurka iyo heshiiska Lahaanshaha, Maamulka iyo Wadaagga Kheyraadka Dabiiciga ee lagu saxiixay Baydhabo.

Sharciga batroolka ee uu maanta saxiixay madaxweyne Farmaajo waxaa ka horyimid maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Wadan aan Nabad aheeyn, oo Doowlad sharciga ku dhaqanta eeysan ka jirin, oo Caasimadii wadanka sidaan u eg tahay, waa shirkadee ama wadanka isku aaminaya inuu shidaal ka qodo?
    Also immisa ayuu qaadan doontaa in la helo, Masuuliyiin Dalka iyo Dadka u shaqeeya , oo sharcigii wadanka ku dhaca, iyo shacab soomaaliyeed oo isku duuban? Markaas ka dibna Kheyraadka wadanka loo dhaqaaqo.