Farmaajo Oo Ubax Dhigay Taallada SYL

Published: May 15, 2021

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qaybgalaya munaasabada xuska maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed 15-ka May ayaa ubax dhigay taallada SYL.

Farmaajo ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 15-ka May oo ku beegan 78 guuradii Aas-aaska golihii dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL, isaga oo muujiyey qiimaha weyn ee maalintan ay u leedahay Ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka, iyada oo ciidamada Baambayda ay ku maamuusayeen astaanta Qaranka.

Munaasabadda Ubax-dhigga Taallada SYL waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir  Cumar Maxamuud Maxamed Filish iyo Ku-xigeennadiisa, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda xilgaarsiinta, Taliyeyaasha Ciidammada Qalabka Sida iyo dhallinyaro ka kala socotey 17-ka degmo ee gobolka Banaadir.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *