Farmaajo: “Puntland & Jubbaland ma idiinka maarano”

Published: August 21, 2020

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khudbadiisii xafladda xiritaanka shirkii Dhuusamareeb 3 waxaa uu ka sheegay inuu ka xun yahay in ay shirka kasoo qaybgali madaxda Puntland iyo Jubbaland oo uu ku timaamay dad wanaagsan.

Wuxuu sheegay inay wax ku leeyihiin madasha shirka ayna muhiim ahayd imaatinkoodu balse wuxuu rajo ka muujiyey inay kulamada dambe aragtidooda siyaasadeed kusoo bandhigi doonaan.

“Walalaheena Puntland iyo Jubbaland waxaa leeyahay madashan waxbaa ku leedihiin dad wanaagsan tihiin, waa nagu fogtihiin waa ka xunahay in aadan imaan oo aadan xaadir ku aheyn, waxa aaaminsanahay inaa dib noogu soo qeyb geli doontaan fikradaha aad qabtaan ma idinka maarano waxaa u baahnahay awoodiina dhinac walba haddii tahay masxkax xigmad iyo fakar waxaa idinka codsaneyna ummadda soomaaliyeed idinka codsaneysaa inaan isku nimaano”

Madaxweyne Farmaajo

Madaxweyne Farmaajo oo wali ka hadlaya maqnaashaha madaxda ee shirka ayaa yiri:-

“Madaxda maamullada qaar baa rabay in ay doorasho-dadban wax ka hooseeya oo ah in ay iyaga wax soo xulaan qaar baa lahaa maxaan madaxweyne ka ahay hadaanan ani wax xulayn”

Madaxweyne Farmaajo

Madaxweyne Farmaajo ayaa u duulay magaalada Muqdisho kadib markii lasoo xiray shirkii Dhuusmareeb 3, waxaana maalmaha soo socda la filayaa inuu heshiiska shirka horgeeyo golaha shacabka maadaama uu horey uga balanqaaday inuu dib ugu soo celin waxwalba oo kasoo baxa Dhuusamareeb 3.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *