Farmaajo oo ku khasbanaaday in uu ka laabto Muddo kororsigii

Published: May 1, 2021

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo hadal ka jeedinayay kulan gaar ah oo goordhawayd ka furmay xarunta Golaha shacabka ayaa sheegay in uu Ra’iisul Wasaaraha ku wareejiyay hogaaminta iyo diyaarinta arimaha doorashooyinka oo muran badan uu ka taaganyahay.

Farmaajo ayaa kulanka ka sheegay in qaban qaabada saxiixa heshiiskii doorashooyinka 17-ka September uu sidoo kale maamuli doono Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble isagoona faray Xukuumadda in ay u diyaargarowda howlahaas baaxadda leh.

Xildhibaanada Wakhtigoodu dhamaaday ayuu ka dalbaday in ay ansixiyaan heshiiskii arimaha doorashooyinka ee dib loogu soo celiyay.

“Waxaan rabaa in aan cadeeyo In Ra’iisul-wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu hogaamin doono Diyaarinta, Hirgalinta doorashada, & Amnigeeda, si ay doorashadu ugu qabsoonto jawi nabad ah oo xasiloon, waxaan kale oo Ra’iisulwasaraha u xilsaaray qabanqaabada iyo martiqaadka Saxiixayaashii Heshiiskii 17 September 2020, si loo meelmairyo heshiiskas iyo talooyinkii Farsamo ee kasoo baxay Shirkii Baydhabo 16kii Febraayo 2021, Waxaan faraya Xukuumadda in ay u diyaar garowdo howshaas baxada weyn ee hortala” ayuu yiri Farmaajo.

Intaasi kadib xildhibaanada ayaa cod gacan taag ah ku meelmariyay in dib loogu laabto hanaankii doorashada ee horey ay madaxda Dowladda iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ugu heshiiyeen Muqdisho.

140 xildhibaan ayaa u codeeyay in lagu laabto heshiiskii is-afgaradka ahaa ee doorashooyinka mana jirin cid diiday ama ka aamustay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *