Farmaajo: Waan u tacsiyeynayaa Walaalaha Suudaan

Published: September 14, 2020

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khadka taleefanka kula xiriiray raysal wasaaraha dalka Suudaan Cabdalla Xamduuk, iyagoo ka wada hadlay xaaladaha labada wadan, gaar ahaan fatahaadaha Suudaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga tacsiyeeyay shacabka iyo dowladda Suudaan khasaaraha ka dhashay fataahadaha ku dhuftay dalkaas kuwaas oo sababay khasaare naf iyo maalba leh.

Raysal wasaare Cabdalla Xamdook ayaa uga mahadceliyey madaxweyne Farmaajo iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed sida ula qaybsadeen dhibaatadooda, isagoo sheegay in muwaadiniinta Suudaan ee ku dhaqan Soomaaliya laga dhaafay kharashaadka deganaanshaha iyo wixii ganaaxyo ah ee la xiriira.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqday dhammaan ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed in ay gurmad deg deg ah u fidiyaan walaalahooda dalka Suudan oo ina garab istaagay xilliyo adag.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *