Published: May 15, 2022
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2022/05/image-32-1080x720.jpeg)
Waxaa goordhow soo idlaaday tirinta codadka wareega labaad doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ee ka socota Teendhahda Afisyoone ee magaalada Muqdisho, iyadoo loo gudbayo wareegga saddexaad.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2022/05/image-123-1200x675.png)
Wareegaan labaad waxaa ka soo gudbay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo helay 83-cod iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo helay 110-cod.
Sidoo kale, wareegan waxaa ka haray Saciid Cabdullaahi Deni oo helay 68-cod iyo Xasan Cali Kheyre oo helay 63-cod.
Waxaa hadda billaabanaya codeynta wareegga 3-aad oo ah kan ugu dambeeya oo ay isugu soo hareen Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.