Faroole: “Soomaalidu horay way u kala jeeddey hadase way isu soo jeeddaa” [Dhegeyso]

Published: February 25, 2012

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) oo xalay lagu marti qaaday casho sharaf ay Jaaliyadda Soomaalida ee Ingiriisku u qabteen madaxdii ka qayb galay shirka London ayaa ka hadlay arimo badan.

Madaxweynuhu wuxuu ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay midnimada umadda Soomaaliyeed, isagoo sheegay in Soomaalidu ay horay u kala jeeddey balse ay hada isu soo jeensatey.

Dr. Faroole waxa kale oo uu tilmaamay in madaxda Soomaalida ee ka qayb galay shirka London ay intooda badani yihiin kuwo ay ka go’an tahay inay wax qabtaan, heseyeeshee aysan tallaabo wax ku ool ah qaadi karin hadii aysan helin taageerada dadka Soomaaliyeed.

Waxa kale oo uu madaxweynaha Puntland sheegay in Soomaaliya xiligan ay fursado badan haysato, maadaama uu socdo isbedel siyaasadeed oo dhaxal gal ah, kaas oo sababay in indhaha caalamku ay Soomaaliya kusoo jeestaan.

Dhegeyso khudbadda madaxweynaha

[powerpress]

Madaxweynaha Puntland oo ay khudbadiisu ahayd mid dhinacyo badan taabaneysey, waxa kaloo uu kusoo hadal qaaday sida ay nabaddu suurtagal uga dhigayso in dadku ay is dhex galaan, isagoo xusay in Muqdisho ay caasimadda tahay, cidina aysan gaar u lahayn, berina loosoo wada noqon doono.

Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) wuxuu ugu danbeyntii ugu baaqay qurbe joogta inay midnimo muujiyaan, isagoo tilmaamay in qurbe joogtu aysan weli bislaan marka laga eego dhinaca qabyaalada, arintaasoo uu xusay in dadka dalka gudihiisa joogaa ay kaga fiican yihiin.

Si gaar ah madaxweynuhu wuxuu ula dardaarmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Britain, wuxuuna ku booriyey inay ka fogaadaan wax walba oo midnimada Soomaaliyeed caqabad ku noqon kara maadaama ay iyagu bulshada kaalin muhiim ah ugu jiraan.

Casho sharafta xalay magaalada London ee caasimadda dalka Ingiriiska loogu sameeyey madaxdii ka qayb galay shiriii London ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay mas’uuliyiin ka tirsan DKG, Gal-mudug, iyo maamulka Ahlu Sunna.

 

Horseed Media