Federaalka iyo Maamul gobaleedyada oo hirgalinaya Lambarka mideysan ee Aqoonsiga Canshuur bixiyaha

Published: August 8, 2024

Shirka horumarinta maaliyadda dalka ee u dhexeeyay wasiirada maaliyadda heer federal iyo heer dowlad-goboleed oo uu wejliyo gobolka Banaadir ayaa arbacadii looga dooday sidii loo mideyn lahaa lambarka aqoonsiga cashuur-bixiyaha oo muhiim u ah casriyeynta hannaanka dakhliga gudaha.

Dood dheer iyo aragti isdhaafi kadib, masuuliyiinta labada heer ee dowladda federaalka iyo dowlad-gooleedyadau waxay isla meel-dhigeen hirgalinta nidaamka mideysan ee lambarka aqoonsiga cashuur bixiyaha oo ay ku jiraan ganacsiyada, shaqsiyaadka iyo hey’adaha macaashdoonka ah.

Hirgalinta hishiiska nidaamkan waxaa wadajir u saxiixay Wasiirka Maaliyadda dowladda federaalka Soomaaliya, wasiirada maaliyadda dowlad-goboleedyada kala ah Hirshabeelle, Galmudug, Koofur Galbeed, Jubbaland iyo mamulka gobolka Banaadir.

Waxaa xusid muddan in shirkan aysan ka qeyb gali dowlada Puntland oo ah maamul gobaleedka ugu weyn ee Federaalka Soomaaliya, waxaana weli jirin xiligan xiriir wada shaqeyn oo ka dhaxeeya Xukuumada Federaalka iyo Puntland.

Horseed Media