Fidan: Wajiga labaad ee wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya oo dhacaya 2-da Sebtembar

Published: July 2, 2024
Shares8

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa sheegay in wareegga labaad ee wada-hadallada u dhaxeeya dhiggiisa Itoobiya, Taiye Atseki Selassie iyo dhiggiisa Soomaaliya, Axmed Macalin Faqi, uu dhici doono 2-da bisha September magaalada caasimadda ah ee Ankara.

Sidaa waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu la yeeshay dhiggiisa Itoobiya iyo Soomaaliya ka dib kulan ay ku yeesheen caasimadda Ankara Isniintii.

Fidan waxa uu carabka ku dhufatay in Turkiga uu door dhexdhexaadin ah ka qaatay khilaafka Itoobiya iyo Soomaaliya kaas oo ay uga mahad celinayaan dhinacyada xiriirka iyo iskaashiga ay la leeyihiin labada dal.

“ Arin aad u cakiran ayaanu ka hadlaynaa, marka arrimahaas la eego, waxa muuqata in loo baahan yahay in qiimayn dheeraad ah lagu sameeyo arrintan, waxayna wasiirradu go’aansadeen inay mar kale ku kulmaan Ankara Sebtember 2, 2024 si ay u qabtaan wareeg labaad.” ayuu yiri; Hakan Fidan.

Fidan ayaa sidoo kale si gooni gooni ah kulamo ula qaatay dhiggiisa Soomaaliya iyo Itoobiya.

Hadalka Fidan ka dib, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa daabacday “Warmurtiyeedka Wadajirka ah ee Ankara” ee ku saabsan wada-hadalladii dhex maray saddexda wasiir.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in wasiirrada arrimaha dibadda ee Itoobiya iyo Soomaaliya, ee uu Turkigu garwadeenka ka yahay, “ay si daacadnimo iyo saaxiibtinimo ku dheehan tahay isku dhaafsadeen aragtiyo ku saabsan khilaafkooda, isla markaana ay horumariyeen aragtiyo ay ku xalinayaan khilaafkooda.

Horseed Media