FIFA oo dib u eegis ku sameynaysa ciyaaraha koobka adduunka ee 2026-ka

Published: December 17, 2022

Madaxa hay’adda kubadda cagta adduunka ee FIFA, Gianni Infantino ayaa sheegay in dib u eegis ku sameyneyaan qaabka Koobka Adduunka ee sanadka 2026-ka uu uga qabsoomayo dalalka Mareykanka, Mexico iyo Canada.

Kooxaha ayaa tiradoodu kor looggu qaadi doonaa 32 illaa iyo 48, waxaana lagu wadaa in loo qaybiyo 16 guruub oo saddex qeybood ah, iyadoo labada kooxood ee ugu sareysa ay kasoo baxaan 32-da kooxood.

Infantino ayaa sheegay in taasi dib u eegis lagu sameyn doono ka dib guusha ay gaaraan kooxaha Koobka Adduunka ee 2022 ee haatan ka socda dalka Qatar.

Wareega Group-yada ee ka dhacay dalka Qatar, ayaa waxaa ka mid ahaa ciyaarihii ugu dambeeyay ee xiisaha badan lahaa, iyadoo dalalku ay isku dayeen inay xaqiijiyaan buuxinta kaalimaha 2-aad ee u soo bixista wareega 16-ka.

Qaabka guruubyada afarta kooxood, oo labada kooxood ee ugu sareysa ay u soo gudbeen wareega 16ka, ayaa la isticmaalay tan iyo markii Koobka Adduunka ee ragga lagu ballaariyay 32 kooxood sanadkii 1998-dii.

Horseed Media