Finland oo sheegtay inay joogteyneyso garab istaagga dadka iyo dowladda Soomaaliya

Published: November 7, 2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Finland ee Soomaaliya, Pirkka Tapiola.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dowladood iyo dadaallada dib-u-xoreynta ee dowladdu ay ku ciribtiteyso kooxda Al-shabaab.

Mr. Pirkka Tapiola ayaa bogaadiyay guulaha wax ku oolka ah ee laga gaaray kacdoonka dib-u-xoreynta, waxuuna caddeeyay in dowladda Finland ay joogteyneyso garab istaagga dadka iyo dowladda Soomaaliyeed. 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dowladda Filand uga mahad celiyay garab istaagga iyo taageerada joogtada ah ee ay ka geysato arrimaha horumarinta bulshada gaar ahaan waxbarashada iyo caafimaadka.

Horseed Media