Filim cusub oo laga sameeyey Baxsashadii Safiiradii Kuuriyada ee Muqdisho ku sugnaa 1991

Published: March 22, 2022

Filimkan cusub oo laga sameeyey dagaalkii sokeeye ee ka dhacay Muqdisho 1991 ayaa looga hadlaya sheekadii qabsatay labadii safiir ee kala matelayey Kuuriyada Koonfureed iyo Kuuriyada Waqooyi ee Soomaaliya joogay oo uu dagaalka ku qabsaday caasimada Soomaaliya.

Filimkan oo ah mid ku saleysan taariikhdii dhexmartay labada safiir oo uu loolan ka dhaxeeyey oo markii danbe iyagii ku khasbanaaday inay iska kaashadaan sidii ay uga baxsan lahaayeen magaalada Muqdisho, kadib markii xukunka laga tuuray Madaxweynihii hore Maxamed Siyaad Barre.

Safiirka Koonfurta Kuuriya (Han) oo xiligaa Muqdisho u joogay inuu ka dhaadhiciyo dowladii Soomaaliya inay siiso codka dalkaasi inuu kamid noqdo Qaramada Midoobay ayaa waxaa marar badan horistaagi jiray Safiirka ka socday Kuuriyada Waqooyi  (Rim) oo xiriir wanaagsan xiligaa lalahaa Soomaaliya, hase yeeshee labada nin ayaa markii danbe ku khasbanaaday inay hal gaari uga baxsadaan Muqdisho.

Filimkan oo magaciisa yahay (Escape from Mogadishu) ayaa kamid ah filimaanta laga soo saaro Kuuriyada Koonfureed oo sanadkan ka qeyb qaadanaya abaalmarinta filimaanta ee Oscar. Kuuriyada Koonfureed ayaa sanadihii lasoo dhaafay kamid ahaa dalalka ugu horeeya dhanka filimaanta marka laga yimaado dalka Maraykanka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *