Muuqaalkii laga soo duubay Israeliyiinta Xamaas qafaalatay oo cadaadis xoogan saaray Netanyahu

Published: October 31, 2023

Waxaa sii kordheysa cadaadiska saaran Raysalwasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu inuu xilka isaga dego kadib muuqaal ay shalay gelinkii danbe siideysay kooxda Xamaas, muuqaalkaasi oo laga soo duubay sadex haween ah oo la hadlay dowladooda Israel inay ka shaqeyso sidii lagu siideyn lahaa.

Haweenka muuqaalkan kasoo muuqday ayaa si adag u cambaareeyey xukuumada Netanyahu kadib markii ay burbureen axadii lasoo dhaafay wadahadaladii socday ee siideynta maxaabiista Falastiin iyo laheystayaasha Xamaas qafaalatay.

Netanyahu oo shir jaraa’iid qabtay ayaa diiday inuu xilka ka dego isla markaana sheegay inuusan ku dhawaaqi doonin wax xabad joojin ah, arrintaasi oo uu ku tilmaamay inay lamid tahay isu dhiibida Xamaas.

Horseed Media